Trump oo ku hanjabay inuu canshuuro dheeraad ah ku soo rogi doono Macronka 'doqonka ah'

0
Saturday July 27, 2019 - 21:04:11 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo ku hanjabay inuu canshuuro dheeraad ah ku soo rogi doono Macronka 'doqonka ah'

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku eedeeyay inuu "doqonnimo" ku kacay markii uu canshuur ku soo rogay dhanka internetka, waxa uuna soo hadalqaaday suuragalnimada inuu canshuur aargo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku eedeeyay inuu "doqonnimo" ku kacay markii uu canshuur ku soo rogay dhanka internetka, waxa uuna soo hadalqaaday suuragalnimada inuu canshuur aargoosi ah ku soo rogo khamriga mareykanka. Mr Trump ayaa Jimcihii waxa uu caradiisa ku soo bandhigay farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka, taas oo uu kaga jawaabayay qorshe Faransiiska uu canshuur ugu soo rogayo shirkadda ballaaran ee Google. Mas'uuliyiinta Faransiiska ayaa ku doodaya in shirkaddu ay lacag yar ay bixiso amaba maba bixiyaan canshuuraha shirkadaha ay bixiyaan ee dalalka aanay wax saldhig ah ku lahayn. Maamulka Trump ayaa sheegay in canshuurtu si cadaalad aan ahayn loogu bartilmaameedsaday shirkadaha tiknolojiyadda waa weyn ee Mareykanka. "Faransiiska waxa uu haatan canshuuro ku soo rogay shirkadahayaga waa weyn ee tiknolojiyadda ee Ameerika. Haddii uu qof canshuur ku soo rogaayo, dalkooda hooyo umbaa ku soo rogi kara, waa Mareykanka ee," Mr Trump ayaa Twitterka sidaas ku soo qoray. "Waxaannu dhawaan ku dhawaaqi doonnaa tallaabo wax ku ool ah oo aannu uga jawaabayno doqonnimada Macron. Waxaan marwalba iraahdaa khamriga Mareykanka ayaa ka wanaagsan midka Faransiiska!"

Donald Trump



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip