Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir oo la fasaxay kaddib weerarkii Arbacadii

0
Saturday July 27, 2019 - 20:12:11 in Wararka by
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir oo la fasaxay kaddib weerarkii Arbacadii

    Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay in la fasaxay dhammaan shaqaalaha xarunta gobolka Banaadir,iyada oo muddada fasaxa albaabada loo xiri doono dhammaan xafiisyada xarunta gobolka. Afhayeenka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar (Sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay in la fasaxay dhammaan shaqaalaha xarunta gobolka Banaadir,iyada oo muddada fasaxa albaabada loo xiri doono dhammaan xafiisyada xarunta gobolka. Afhayeenka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) oo suxufiyiinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Shaqaalaha gobolka la fasaxay muddo saddex maalmood ah. Fasaxa ayaa ka dambeeyay,kaddib markii Arbacadii toddobaadii hore weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay hool uu shir uga socday mas'uuliyiinta gobolka Banaadir oo ku dhexyaalla xarunta gobolka. Weerarka illaa toddobo qof oo dhammaantood mas'uuliyiin ah ayaa ku geeriyooday, halka tiro kale oo uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka ahna duqa caasimadda Muqdisho, Cabdiraxmaan Yariisow uu ku dhaawacmay. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarka, iyada oo aysan wali hay'adaha ammaanka soo bandhigin natiijada baaritaanno la xiriira weerarka, oo ilaa hadda aysan caddeyn sida uu u dhacay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip