Mas'uuliyiin Ka Tirsan DFS Oo Sacuudiga Ku Soo Dhaweeyay Xujey Somaliyeed

0
Saturday July 27, 2019 - 19:53:07 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiin Ka Tirsan DFS Oo Sacuudiga Ku Soo Dhaweeyay Xujey Somaliyeed

    Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aaden Dhuuboow, ayaa Magaalada Madiina Al-munawara ee Dalka Sacuudi Carabiya kusoo dhoweeyay Xujeyda Soomaaliyeed ee halkaasi gaaraya si ay ugu war qabaan xaaladda Xujeyd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aaden Dhuuboow, ayaa Magaalada Madiina Al-munawara ee Dalka Sacuudi Carabiya kusoo dhoweeyay Xujeyda Soomaaliyeed ee halkaasi gaaraya si ay ugu war qabaan xaaladda Xujeyda. Wasiirka oo ay socdaalkiisa Indha-Indhaynta iyo soo dhoweynta ah ku wehliyaan , Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah , Ilyaas Sheekh Cumar, la taliyaha Wasaaradda, Maxamed C/raxmaan Nadiif iyo mas'uuliyiin kale ayaa waxay gaareen Garoonka Diyaaradaha ee Madiina, si ay ula socdaan Xujeyda halkaa tagaeysa iyo xaaladahooda guud. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan u dirtay Dalka Sacuudi Carabiya Guddi ka shaqeeya saacidaadda iyo la socoshada Xujeyda Soomaaliyeed, iyagoo kormeer iyo u kuurgal ku sameeyay inta badan Garoomada ay ka degaan Xujeyda, goobaha ay ka deggen yihiin Dalka Sacuudiga iyo qaabka ay acmaasha u gudanayaan.Cusmaan Aaden Dhuuboow, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo ballaaran oo la xiriira ka war qabka xaaladda Xujeyda iyo fulinta adeegyada ay u baahan yihiin, taas oo ah qorshe ay ugu tala gashay Dowladda Federaalka, isagoo intaa raaciyay in ay sii Laba jibbaari doonaan howlaha ay halkaasi u joogaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip