Qaxooti Ay Soomaali Ku Jirto Oo Daaweyn Indhaha Loo Sameeyay

0
Saturday July 27, 2019 - 19:44:30 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaxooti Ay Soomaali Ku Jirto Oo Daaweyn Indhaha Loo Sameeyay

    Dhakhaatiir Turkish ah oo ka socotay Hay'adda Iskaashiga iyo Xiriirinta Turkiga ee TIKA waxay Hawlgal Daaweynta iyo Fiiqista Indhaha ka fuliyeen Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab iyo qeybo ka tirsan W/bari ee dalka Kenya. Hawlgalkaasi oo ahaa mid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhakhaatiir Turkish ah oo ka socotay Hay'adda Iskaashiga iyo Xiriirinta Turkiga ee TIKA waxay Hawlgal Daaweynta iyo Fiiqista Indhaha ka fuliyeen Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab iyo qeybo ka tirsan W/bari ee dalka Kenya. Hawlgalkaasi oo ahaa mid Lacag La'aan ah waxaa lagu maamusayey Munsaabadii 3-aad ee ka soo wareegtay markii la fashiliyey Afgembigii xilka looga tuuri lahaa Madaxweynaha Turkiga bishii July 15-dii ee sannadkii 2016-kii. Hawlgalka ay Dhakhaatiirta Turkishka ku wadeen Daaweynta Indhaha waxa uu bilowday bishan July 15-dii, , sida uu sheegay Xiriiriyaha Hay'adda TIKA u jooga Kenya, Emre Yüksek oo la hadlay Wakaalladda Wararka Turkiga ee ANADOLU. Waxa uu tilmaamay inay ku guuleysteen 250 Hawlgalka Ibdgaga oo ay ka fuliyeen Xeradda Dhadhaab iyo magaalladda Garissa. Qaar ka mid ah Ardayda dhigata dugsiyadda ku yaalla Xeradda Dhadhaab ayaa ka mid ahaa dadkii ka faa'ideystay Mashruucaasi, iyadoo carruurta badankooda la siiyey Ookiyaalaha Aragga ee Garaadada leh, halka kuwa kalena la siiyey daawooyin looga hortago cudduradda ku dhaca Indhaha.20 carruur ayaa ka mid ah dadka loo fidiyey Daaweynta Indaha, halka 40 bukaano kale indhaha loo fiiqao, kuwaasi oo haatan wax arki kara. Hawlgalka Daaweynta Indhaha ee ay Hay'adda Turkish-ka fulisay ayaa la filayaa in maanta la soo gebagebeeyo, iyadoo ay Qaxooti ay ku jiraan Soomaali iyo South Sudan ka faa'ideysteen Mashruuca Indha-fiiqista lacag la'aanta ah. Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab ee Gobalka W/bari ee Kenya waxay hoy u tahay 200,000 oo Qaxooti ah, kuwaasi oo badankooda ka yimid Somalia, waxayna Xeraddaasi tahay midda 3-aad ee ugu weyn dhamaan Xerooyinka Qaxootiga ee ka dhisan dalalka Caalamka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip