Ciidamo La Wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb

0
Saturday July 27, 2019 - 19:42:26 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo La Wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb

    Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo gadoodsan ay la wareegeen Garoonka diyaaradaha Magaaladaas. Ciidamada la Wareegay Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo gadoodsan ay la wareegeen Garoonka diyaaradaha Magaaladaas. Ciidamada la Wareegay Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa waxaa la sheegay inay yihiin Ciidamo ka tirsanaa Ahlusunna Waljameeca ee dhawaan lagu qarameeyay halkaas. Wariyeyaal ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa tilmaamay in Ciidamada xiliga ay la wareegeen Garoonka ay wateen gaadiidka nooca dagaalka,isla markaana maamulka Garoonka ay ku amreeb in wax diyaarad aysan kasoo degi karin sidoo kale aysan ka bixin karin. Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan Ciidamadii Maanta la wareegay Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb,waxaana halkaas ku sugan Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in Ciidamadan ay ka cabanayan Mushaar la'aan soo wajahday Bilihii la soo dhaafay,sidaasina ay arrintaan ku sameeyeen. Dhawaan ayaa ammaanka Garoonka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Galmudug ayaa waxaa lagu wareejiyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip