Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Madaxweynihii Tunisia Iyo Madax Ka Qeyb Gashay

0
Saturday July 27, 2019 - 19:33:08 in Wararka by
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Madaxweynihii Tunisia Iyo Madax Ka Qeyb Gashay

    Madax ka kala socota dalalka Carbeed iyo kuwa Europe ayaa waxay maanta ka qeyb galeen Munaasabadda Aaska Qaran ee Madaxweynihii hore ee dalka Tunisia, Bayji Qaa'id Esebsi oo 92-jir ahaa, kaasi oo maanta lagu aasay caasimadda dalkaasi ee Tunis.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madax ka kala socota dalalka Carbeed iyo kuwa Europe ayaa waxay maanta ka qeyb galeen Munaasabadda Aaska Qaran ee Madaxweynihii hore ee dalka Tunisia, Bayji Qaa'id Esebsi oo 92-jir ahaa, kaasi oo maanta lagu aasay caasimadda dalkaasi ee Tunis. Hoggaamiyayaaasha ka qeyb galay Aaska Marxuumkaasi waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha dalalka Faransiiska, Portuqiiska iyo Falastiin, Booqrka dalka Spain, Madaxa Golaha Dowlada Liibiya, Wakiilo matalayey Madaxda dalalka Kuweyt, Murutaaniya, Sacuudiga, Imaaraadka, Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta iyo madax kale. Saraakiil Milliteri ayaa xambaarsanaa Naxashka Maydkiisa oo lagu duubay Calanka dalka Tunisia ee Casaanka ah ee bisha iyo xiddigta bartanka kaga yaallaan. Madaxweynihii hore ee dalka Tunisia, Bayji Qaa'id Esibsi waxa uu ahaa Hoggaamiyihii ugu horreeyey ee dalkaasi ee si Dimuqradai ah loo soo doortay sannadkii 2011-kii, wuxuuna muddo dheer ku soo jiray siyaasadda dalkaasi, isagoo soo qabtay xilal Qaran oo kala duwan.Dhinaca kale, Dadweyne fara badan oo ay tiiraanyo ka muuqatay ayaa safnaa Waddooyinka muhiimka ee magaalladda Tunis, halkaasi oo la soo marsiiyey Gaadiidkii waday Maydkiisa iyo kuwii ay la socdeen Madaxda Caalamka iyo Madaxda dalkaasi. Guddoomiyaha Barlamaanka Tunisia, Maxamed Naasir ayaa waxa uu si Ku-meel-gaar ah sii hayn doonaa xilka Madaxweynaha, tan iyo inta ay Doorashadda Madaxtinimadda ka dhici doonto dalkaasi bisha soo socota ee September 15-da.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip