Wasiir Beyle oo jaaliyadda Soomaalida Mareykanka kala hadlay dib u dhiska dalka

0
Saturday July 27, 2019 - 19:14:20 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Beyle oo jaaliyadda Soomaalida Mareykanka kala hadlay dib u dhiska dalka

    Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Waashintoon ee dalka Mareykanka kulan kula yeeshay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaasi. Wasiir Beyle oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Waashintoon ee dalka Mareykanka kulan kula yeeshay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaasi. Wasiir Beyle oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka, sidoo kale wax uu Soomaalida reer Waashintoon kala hadlay in ay dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan sidoo loo horumarin lahaa dhaqaalah dalka. "Soomaalidu meel walba oo ay dunida ka joogaan waa in ay si adag ula shaqeeyaan dowladda si ay gacan uga geystaan dib u dhiska dalka" ayuu yir Wasiir Beyle. Wasiirka ayaa dhanka kalena kulamo la yeeshay saraakiil sarsare oo ka tirsan Bangiga adduunka iyo Hay'adda lacagta aduunka ee IMF isaga oo kala hadlaya halka uu marayo qorshaha deyn cafinta ee dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa sanado badan kaddib sameyneysa kobac dhaqaale oo aan horay looga arag maadaama sanado badan ay dalka dagaallo sokeeye ka socdeen.

Wasiir Beyle oo jaaliyadda Soomaalida Mareykanka kala hadlay dib u dhiska dalka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip