Sucuudiga oo dal ku galkii u diiday xujeyda Koongo

0
Saturday July 27, 2019 - 19:12:29 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga oo dal ku galkii u diiday xujeyda Koongo

    Wasaaradda arimaha dibadda Sucuudiga ayaa soo saartay go'aan ay xujayda u dhalatay dalka Koongada Dimoqraadiga ugu diiday in ay siiiso dal ku galkii ay Sacuudiga ku imaan lahaayeen. Wasaaraddu waxay sheegtay in go'aankan lagu saleeyey go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda arimaha dibadda Sucuudiga ayaa soo saartay go'aan ay xujayda u dhalatay dalka Koongada Dimoqraadiga ugu diiday in ay siiiso dal ku galkii ay Sacuudiga ku imaan lahaayeen. Wasaaraddu waxay sheegtay in go'aankan lagu saleeyey go'aankii hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ku sheegtay in cudurka Ebola ee ka dillaacay Koongo yahay halis caafimaad oo dunida saamayn karta. "Waxaa la joojiyey fiiseyaashii ay dalka ku soo geli lahaayeen dadka ka imanaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, si loo ilaaliyo fayo-qabka xujayda" ayey tiri wasaaraddu. Koongo ayaa la rajaynayay in ay ka yimaadaan xujey tiradooda gaareyso 410 xaaji sida uu BBC-da u sheegay Imam Djuma Twaha oo ka tirsan hogaamiyeyaasha Muslimiinta dalkaas. Hay'adda WHO ayaa 17 bishan Juulaay ku dhawaaqday in Ebola yahay halis caafimaad oo dunida saamayn karta waxaanay kula talisay dalalka in ay xadidaan isku socodka ganacsiga iyo dadka tagaya dalkaas. Magaalada Goma ee ku taalla xudduuda dalka Koongo iyo Rwanda oo ay ku noolyihiin dad ka badan 1 milyan oo qof ayaa ka mid ah meelaha cudurkani lagu arkay. Kiis cudurkan ku saabsan oo laga helay magaalada Goma iyo haweenay u gudubtay dhanka xadka Uganda oo cudurka laga helay ayaa soo dedejisay in xaaladdan lagu dhawaaqo. Ku dhawaaqida xaaladdan caafimaad ee degdega ah ayaa lagu macneeyay in sare loo qaadi doono baaritaannada xudduudaha iyo garoomada ,balse WHO waxay sheegtay in xudduudaha aan la xiri doonin. Cudurka Ebola ayaa ku sii fidayay qaybo ka mid ah Congo oo ay colaado ka taagan yihiin,iyadoo horay loo weeraray lana dilay qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee cudurkaa la tacaalayey. Sucuudiga oo dal ku galkii u diiday xujeyda Koongo


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip