HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 27-KA LUULYO 2019-KA

0
Saturday July 27, 2019 - 10:24:53 in Wararka by
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 27-KA LUULYO 2019-KA

    Taliye cusub oo loo Magacaabay Ciidanka Mareykanka ee Afrika Jeneral Thomas David Waldhauser ayaa ka degay xilka taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika oo uu hoggaaminayay Muddo Saddex Sanno ah sidda ay shaacisay Wasaaradda Difaaca ee Mar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye cusub oo loo Magacaabay Ciidanka Mareykanka ee Afrika Jeneral Thomas David Waldhauser ayaa ka degay xilka taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika oo uu hoggaaminayay Muddo Saddex Sanno ah sidda ay shaacisay Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka. Jeneralka oo 66-jir ah waxa uu Hawlaha Ciiddamadda ku soo biiray sannadkii 1976-dii, isagoo ka tirsanaa Ciiddanka Mariniska ee dalkaasi, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Talisyadda Milliteriga Maraykanka, isagoo ka qeyb galay Hawlgalo Milliteri ee xilka looga tuuray Madaxweynihii hore ee dalka Iraq, Marxuum Saddaam Xuseen. Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRCOM ayaa maanta waxaa hoggaanka taliskaasi si rasmi ah ula wareegay, Gen. Stephen J. Townsend, isagoo bedelay Gen. Thomas Waldhauser. `Taliyaha Cusub ayaa waxaa horyaalla Caqabado waa weyn oo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay xoojin doonaan dagaalka Al-Shabaab. Taliyaha Cusub Ciiddanka AFRICOM wuxuu ka shanqariyey inaan Duqeyn Diyaaradeed oo keliya looga guuleysan karin Hawlgalladda ka dhanka ah Dagaalamayaasha Alshabaab, ,islamarkaana uu xoojin doono howlgalka dhanka lugta ah.

Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa soo gaaray Magalada Muq disho Ciidamo ka socda Qaramada Mido obay,kuwas oo u dhashay dalka Uganda, waxaana Munaasabad soo dhaweyn ah loogu qabtay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Munaasada waxaa ka qeyb galay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Sooma aliya James Swan,taliyaha Ciidamada lu gta Uganda ee Sareeye Guuto General Pe ter Elwelu iyo Madax kale.

Ciidamadan ka socda Qaramada Mi doobay una dhashay dalka Uganda ayaa ka kooban 625 isugu jira Saraakiil & Ciid amo oo 89 ka mid ah ay haween yihiin, wa xaana ayilaalin doonaan Xarumaha UN-ka Saqaalaha iyo saraakiishooda.

"Waxaan u mahad celinayaa hoggaan ka ciidamada ee hoos yimaada Taliyaha Ciidamada Difaaca gaar ahaan Taliyaha Ciidamada Dhulka. "Waxaan hogaamin do onaa xirfad ahaan iyo si hufan ayuu yiri Taliyekuxigeenka Ciidanka dhulka dalka Uganda Kornayl Bainomugisha”

Ciidamadaan ka socda Qaramada Mid oobay ee soo gaaray Magalada Muqdisho ayaa waxaa ay bedeleen Ciidamo kale oo waqtigooda dhamaday,kuwaas oo dib lo ogu celiyay dalkooda,waxaana sidoo kale ay ku soo aadayaa xilli Al-Shabaab ay she egeen in qarixii ka dhacay Xarunta Dowl adda Hoose ay la damacsanaayeen Waki ilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Howlgal laga sameeyay Xaafado ka tirsan Magalada Kismaayo

Ciidamada Ammaanka dowlad Gobo leedka Jubbaland ayaa Habeen hore waxaa ay ho wlgal lagu xaqiijinayay amniga ka samee yeen Xaafado ka tirsan Magalada Kisma ayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamo u badan kuwa Booliska Jubbal and ayaa howlgalka waxaa ay ka sameey een Xaafadaha, Guulwade ,Via Afmadow iyo Dalxiiska,waxaana howlgalkaas lagu qabqabtay ku dhowaad 100 Dhalinyaro ah. Dad ku sugan Magalada Kismaayo ay aa Warbaahita u sheegay in Ciidamada ay mararka qaar gelayeen xaafadaha Magal ada Kisamayo,waxaana dhalinyaradii howlgalka lagu qabtay la geeyay Xaru maha Ciidamada jubbaland ee Kismaayo, iyada oo baaritaano lagu sameeynayay.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Jubb aland ee Magaalada Kismaayo weli how lgalkaas waxa faah faahin ah kana bixin, hayeeshee Wasiirka Warfaafinta Jubba land oo Saxaafada la hadlayay ayaa she egay in Ciidamada heegan la geliyay si ay uga hortagaan falal amni darro.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee ka dhacay Ma galada Kismaayo ayaa waxaa howlgallo iyo feejignaan amni ay ka jirtay Magalada Kismaayo.

Urur Goboleedka IGAD oo balan qaad u sameeyay Soomaaliya

8 Waddan ee ku bahoobay Urur Gobol eedka IGAD ayaa si wada jir ah u cambaa reeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Arbacadii Todobaadki hore ka dhacay xa runta Gobolka Banaadir, kaas oo sababay dhimashada Saraakiil ka tirsan Dowladda, Dad uu ku jira Duqa Muqdishana ay ku dhaawacmeen.

War ay si wada jir ah usoo saareen Maanta oo Jimca ah Urur Goboleedka IGAD, laguna daabacay Jariiradda Strate gic Intelligence, ayaa sidaa lagu sheegay.

Urur Goboleedka IGAD wuxuu sii wadi do onaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo isu soo dhowaashaha Dowladda dhexe iyo maamullada Dalka ka jira, dhismaha awoodda Millitariga, kaabayaasha dhaqaa laha iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, si loo hubiyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Weerarkii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa sheegtay Al-Shab aab, iyaga oo sheegay in bartilmaameedk oodu ahaa Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya , James Swan, oo ay tuhunsanaaye en in uu halkaasi ku sugnaa.

Dowladda Sweden oo safiir cusub u magacaabatay Soomaaliya

Dowladda Sweden ee qaaradda Yurub ayaa safiir cusub u magacaabatay dalka geeska Afrika ku yaalla ee Soomaal iya,sida laga soo xigtay safaarad da Swe den ee Muqdisho.

Danjire Staffan Tillander, oo lagu shee gay inuu waayo-aragnimo badan u leeyah ay Soomaaliya ayaa loo magacaabay safi irka cusub, isagoo beddeli doona diblum aasiga Andreas von Uexkull.

"Tillander waxa uu khibrad ballaaran u ka heystaa Afrika iyo gobolka geeska Afrika oo ay ka mid tahay Soomaaliya." ayaa la gu yiri qoraal ay twitterka ku baahisay safaaradda Sweden ee Muqdisho.

Staffan Tillander, ayaa horey uga soo shaqeeyay Soomaaliya, wuxuu soo noqd ay agaasimaha waaxda ku dhaqanka qan uunka iyo ammaanka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Waxaa kalo uu soo noqday safiirka Swe den u qaabilsan dalka Itoobiya iyo wad damo kale oo caalamka ah.

Dalka Sweden ayaana ka mid ah wadd amada reer Yurub ee safka hore uga jira dalalka sida dhow taageero maaliyadeed iyo mid siyaasadeed ku garab taagan Soo maaliya.


 

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo eedeymaha loo jeediyay dowladda Qatar

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarl amaanka Soomaaliya ayaa si rasmi ah do wladda uga codsaday in baaritaanno dhee raad ah lagu sameeyo eedeymaha la xir iira dowladda Qatar inay wax ka ogtahay weeraro ay dad ku dhinteen oo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Markii ugu horreysay waxaa ay eedey maha soo shaac baxeen, markii wargeys ka New York Times ee dalka Marekanka uu sheegay inuu helay hadal dhex maray nin ganacsade ah oo ku wargelinaya safi irka Qatar ee Soomaaliya inay ogyihiin we erar bishii May ka dhacay magaalada Boo saaso oo ay ka dambeeyaan maleeshiya ad fulinaya danaha Qatar ee ah in Imaar aadka uu ka cararo magaalada Boosaaso.

Guddiga Arrimaha dibadda ee Baarla maanka Soomaaliya ayaa warqad lagu dal banayo in dowladda ay baaritaanno ku sa meyso warbixinta New York Times u dirtay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga,Axmed Ciise Cawad,sida ay Hiiraan Online u sheegeen xubno ku dhow guddiga.

Dowladda Qatar ayaa iska fogeysay dhammaan eedeymaha ka soo muuqday warbixinta wargeyska New York Times ,iyada oo xukuumadda Soomaaliya ay she egtay inay ku qanacday sida ay dowladda Qatar u diidday eedeymaha.

Ciidamo badan oo la dhigay wadooyin ka Garoowe.

Wararka ka imaanaya Magaalada Gar oowe ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland la dhigay Wadooy inka iyo Xaafadaha Magaala daas.

Ciidamadan oo u badan Boolis ayaa la sheegay inay sugayaan Amniga munaas abad loogu dabaal-degayo sanad-guurdii 21aad oo ku beegan markii la Aas-aasay maamulka Puntland 4-tii Bisha Agoosto Sanadkaan 2019 taas oo la filayo in lagu qabto Magalada Garoowe.

Amniga Guud ee magalada Groowe ayaa aad loo adkeeyay,waxaana ciidama da lagu daadiyay wadooyinka ay wadaan dhaq dhaqaaq ku aadan sugida Amniga, waxana Magalada Garoowe ay ka mid tahay magaalooyinka ugu Amniga wana agsan deegaannada Puntland

Wiil dhalinyaro ah oo jacayl awgii sun uu cabay ugu dhintey deegaanka ka tirsan Sh/dhexe

Wararka ka imanaya deegaanka Biyo-Cadde oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ay aa sheegaya in uu u dhintey wiil dhali nyaro sun uu jacayl awgii u cabay.

Wiilkan oo la oran jirey Maxamed Cali Maxamuud ahaana 20 sano jir ayaa geeri yooday gelinkii hore ee Dorraad kadib mar kii uu habeen hore uu cabbay sun.

Dadaal lagu doonayay in lagu badbaa diyo wiilkan ayaa guuldareystey kadib mar kii la geeyay mid ka mid ah xarumaha caafimaad ee deegaanka Biyo Cadde.

Mid ka mid ah dadka ku nool deegaan ka Biyo-Cadde ayaa sheegay in wiilkan u dhintey suntan uu cabbay loo diidday Gab ar deegaanka ku nool oo uu qoyskeedii ka doontay.

"Wiilka waxa uu ahaa mid ka soo jeeda qoys sabool ah sidaa awgeedna qoyska uu gabadha ka doontay waxa ay ku xujee yeen inuu u keeno xoolo uusan awoo din.”ayuu yiri Cali Jimcaale oo ka mid ah dadka ku nool deegaanka Biyo-Cadde.

Waa markii ugu horeysay ee arrintan oo kale ay ka dhacdo deegaanka Biyo-Cadde ee gobolka Sh/dhexe.

Hakad ku yimid kulan ay yeelan lahaaye en Xildhibaanada dalka Nigeria.

Kalfadhi ay lahaayeen xi ldhibaanada baarlamaanka gobolka On do ee dhaca Koonfur Galb eed dalka Nig eria ayaa la hakiyay kad dib markii sa qaf ka dhis ma ha baar la maanka uu kasoo dha cay Mas, sida ay ku war rameyso warbaahi nta gudaha.

Maska ayaa kusoo dhacay goobtii ay xildhibaanada ay fadhigga ku lahaayeen, waxaa uu horseeday in la joojiyo howlihii baarlamaanka, waxaa goobta ka cararay xildhibaanada qaar markii ay arkeen Mas ka. Wargeyska Premium Time ayaa ku warrmaya in Maska uusna wax dhibaata ah geysan balse markii la dilay.Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa sheegay in Maska uu carqaladeeyay kalfa dhigii ay lahaayeen baarlamaanka, waxaa ay qasabtay in dib loo dhigo kulanka.

Waxaa maanta la qorsheeyay in sun lagu buufiyo dhismaha baarlamaanka xilli xildhibaanada ay ka maqan yihiin halkaas.

Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Gudiga Gurmadka Iyo Saraakiisha Hay'adaha Amniga

Madaxweynaha JFS Md.Maxamed Ca bdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah is ugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimad da ayaa su'aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay Aqalka D.Hoose ee Xamar.

Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan ba aritaannadii ay ku sameynayeen qaraxii Arbacadii. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xir iirka Warbaahinta Madaxtooyada Md. Cab dinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farm aajo uu faray Xukuumadda inay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Alshabaab. "Su urta gal maha in ay nagu dhex jiraan dad ka gacanta siinaya argagixisada dadkeen na dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe la gula dagaallamayo dadkaas." Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta.

Dhankooda, Gu ddiga Gurmadka Caa fimaad ee dhaawacyadii qaraxan naf-halli gnimada ahaa ayaa la wadaagay Madax weynaha xogta xaaladda caafimaad ee dhaawacyada iyo dadaalkii ballaarnaa ee ay Xukuumaddu ku bixisay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeysti ran. Xubnaha Guddigan ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ay qayb ka ahaayeen dhaawacyadan caa wa la qaaday. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo G.G/Banaadir Md. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo dhammaan masuuliyiintii ku dhaawacmay falkan wax ashnimada ah ee ay geysteen argagi xis adu, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey masuuliyiintii ku shahiiday.

Howlihii Gobolka Banaadir Oo "Si Caadi Ah Ku Socda"

Gudoomiye ku xigeenka maamulka go bolka Banaadir ayaa shaaciyey in ade egyadii uu maamulku bixin jiray ay si ca adi ah ku socdaan.

Ibraahim Cumar Mahad-alle ayaa shaa ca ka qaaday in laamaha ammaanka ay ku howlan yihiin baaritaanka qaabkii u dha cay weerarkii Arbacadii. Ku simaha gudo omiyaha gobolka Banaadir ayaa intaasi raaciyey in aysan waxba iska bedelin shaq adii gobolka, muwaadiniintana loogu shaq eyn doono sidii hore.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa yiri "u gu dambeyntii, [AlShabaab] waan ka adka an doonaa". Dadweynaha ayuu ku booriy ey in ay is-dejiyaan, kana dhowr-sugaan warbixinta baaritaanka ay sameynayaa laa maha ammaanka. Weerarkii Al-Shabaab ee xarunta gobolka Banaadir ayaa wuxuu galaaftay todoba mas'uul, iyadda oo uu ku dhaawacmay duqa caasimada oo Qadar loo qaadey.

Mareykanka oo ballan qaad cusub u sameeyey Soomaaliya kadib qaraxii G/Banaadir

Dowladda Mareykanka ayaa ballan qa ad cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab u sameysay dowladda Soomaaliya, kadib qaraxii Arbacadii ka dhacay xarunta dow ladda hoose ee Xamar.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho Donald Yamamoto oo ka hadlay weerark aasi ayaa marka hore Tacsi u diray ehel lada ay dadkoodu ku dhinteen, isagoona ku dhaawaca ah u rajeeyey caaafimaad deg deg ah. Donald Yamamoto ayaa she egay in dowladdiisu cambaareyneyso wee rarkaasi oo uu ku tilmaamay mid baahalni mo ah.

Dhanka kale wuxuu carabka ku dhuftay in Mareykanka uu xoojinayo taageerada Soomaaliya, islamarkaana uu ka gacan sii nayo baabi'inta Argagixisada. "Waxaan xa qiijineynaa ballanqaadkeena xooggan ee aan ku garab taagannahay dadka iyo xuk uumadda Soomaaliyeed anagoo gacan ka geysaneyna dadaallada wadajirka ah ee lagu doonayo baabi'inta kooxaha argagixi sada iyo dhisida dal adag oo dadkiisa u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wan aagsan.

"ayuu yiri Yamamoto. Ugu dambe yn wa xa uu amaan iyo boggaadin u jeediyey ciid amada ammaanka iyo kooxaha gurmadka deg dega ah, siday u caawiyeen dadkii ku waxyeeloobay weerarkii gobolka Banaa dir.

Weerarkan oo ismiidaamin ahaa ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, waxaana ku dhintay ku dhawaad 10 Qof oo ay ku jir aan guddoomiyeyaal degmo iyo agaasime yaal heer gobol.

AMISOM Oo Cambaareysay Qaraxii Ka Dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire; Francisco Madeira, ayaa si weyn u dhalle eceeyay weerarkii dhowaan la beegsatay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir. Danjire; Madeira, ayaa yiri, "Ficilkan ax maqnimada iyo naxariis darrada ah , wax aa cad in loogu talo galay in lagu daadiyo Dhiig badan oo ah Dad aan wax galabsan ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Amb: Francisco Madeira, ayaa sidoo kale sheegay in kuwa mas’uulka ka ahaa wee rarka fulaynimada ah ay doonayaan oo keliya in ay sii wadaan ficillada noocan ah oo Dalkana u horseedaya bur-bur iyo qalalaase.

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire; Fran cisco Madeira, ayaa intaa raaciyay in ay san Argagixisadu ku guuleysan doonin olo laha dagaal ee macna darrada ah, wuxuu na sheegay in reer Muqdisho iyo Dadka Soomaaliyeed oo dhami ay u ooman yihiin nabad.

Danjire; Francisco Madeira, ayaa ugu dambayn tacsi u diray Qoysaskii dhibban ayaasha iyo maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna kuwa dhaawaca qaba ah u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Muuqaal laga helay shaqaale hay'adeed oo la afduubtay

Hay'adda ayaa sheegeysa in Lixda sha qa ale lagu afduubtay dalka Nigeria tod o baadkii la soo dhaafay ay ka soo muu qdeen muuqaal.

Hay'adda Action ayaa sheegtay in Lix da qof ay isugu jiraan darawallo iyo dhaqa atiir maxalli ah oo ay hay'addu shaqaaley siisay, ayna haatan xaaladdoodu wanaag san tahay.

Muuqaalka oo ay BBC-du aragaty ay aa muujinaya in mid ka mid ah shaqaala ha la afuddubtay ay xirnayd xijaab buluug ah, iyadoo ay ku weegaarsanaayeen Shan rag ah oo la aaminsayahay in ay yihiin asxaabtii lala afduubtay.

Haweeneyda ayaa magaceeda ku sheegtay Grace, waxayna dowladda Nige ria iyo bulshada caalamaka ay ugu baaq day in ay arrintooda cakiran soo dhex-galaan.

Ilaa haatan ma jirto koox sheegatay ma s'uuliyadda afduubkaasi, balse waxaa loo ga shakisanyahay kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalamo bariga dalkaasi. Boko Xaaraam oo weerar culus ku qaadday ma gaalada Maiduguri ee dalka Nigeria

Nigeriya: 15 gabdhood oo kaliya baa ka nool gabdhihii Chibok.

Shaqaale saarnaa Markab oo lagu afduubtay dalka Nigeria Bariga dalka Nig eria oo ah goobta uu afduubka ka dhacay ayaa waxaa ka jira laba kooxood oo aad uga firfircoon- waa Boko Xaaraam iyo koo xda Iswap.

Bilowgii toddobaadkan hay'adda Acti on ayaa sheegtay in ay soo saartay wa rbixin sheegeysa in kolonyo gawaarideeda ah lagu weeraray waddo gasha maga alada Damasak ee gobolka Borno. Waxay sheegtay in mid ka mid ah darawalladii wa day gawaaridaasi la dilay, shaqaalihi kala na la la'yahay halkii jaan iyo cirib ay dhigeen.

Milatariga Nigeria ayaa sheegaya in ay caburiyeen oo ay wiiqeen kooxda Boko Xaaraam, dowladda Nigeri-yana waxay ku doodeysa in inta badan dagaalamayaasha Boko Xaaraam la xaddiday.Balse weriya ha BBC-da ee magaalada Abuja ayaa she egaya in kooxaha Islaamiy iinta ay weli ku xooggan yihiin dalka Nige ria ayna weerro dhibaatooyin badan ka dhasho ay gobolka ka fuliyaan.XIGASHO:-BBC


Xajka Soomaaliya laga aado muxuu uga qaalisan yahay kan dalalka gobolka?

Ayadoo gudashada waajibaadka Xajka ay bilaaban doonaan bisha dambe ee Aug ust ayaa Xujayda Soomaalida ee Soomaal iya xajka ka aadda waxay ka cabanayaan dhibaatooyin kala du wan oo ay ku qabaan safarka ay ku tagaan Xajka.

Qaar ka mid ah culumada Soomaalida ayaa walaac ka muujiyey qaab dhaqanka iyo lacagaha xad dhaafka ah ee ay qaad aan sharikadaha Xajka ka shaqeeya, xilli ay in badan oo bulshada kamid ah ay isu diyaarinayaan in ay gutaan waajibaadka Xajka ee sanadkan.

Qaar kamid ah Xujaydaas oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan dhibaa tooyin dhanka socdaalka ah oo ay kamid yihiin qiimaha oo aad u sarreeya aadna u ga badan kan ay ku xajiyaan xujayda dal alka kale ee ayaga lamidka ah.

Waxay kaloo sheegeen in ay aad uga dib dhacaan waqtiga xajka ayagoo sheeg ay in bixitaankooda lagu aaddiyey xilliga uu xajku xirmayo iyo in la geeyo dalal kale oo markaas ay dib uga sii dhoofaaan.

Shiikh Axmed Daahir Xasan Xuseen oo kamid ah culimada Soomaalida oo BBC-da u warramay ayaa yiri: ” Cabasha da aan qabnaa waxay tahay marka Soom aaliya laga tagayo waxaa la is galiyaa ciriiri, diyaaradaha ayaa dib u dhaca, mar arka qaarna waxay naga tuuraan meelo kale sida Nairobi oo aan markaas dib uga sii dhoofno, Xajka markii la tagana waxaa nalaka tuuraa meelo kale sida Mustalifa halkii nala gayn lahaa Mina”.

Qaar kamid ah culimada ayaa sheegay in arrinta Xajka ay dawladda Soomaaliya soo faragalisay oo waxoogaa isbaddal ah ay dareemeen hase ahaatee ay wali jiraan caqabado ka haysta aadista xajka.

Culimada ayaa baaq u diray madax da dawladda Soomaaliya oo ay ugu horr eeyaan madaxweynaha iyo Raysul wasa araha, ayagoo ku baaqay in ay arrintaas soo fara galiyaan oo aanay ku fiirsan sida ay sheegeen sharikado lacag doon ah.

Waxay sidoo kale baaq kaas lamid ah u direen wasaarrada ku shaqada leh arri maha Xajka.

Dad u dhuun daloola arrimaha Xajka ayaa BBC-da u sheegay in sababta uu qii maha xajka lagu tago ee Soomaaliya uu qaaliga u yahay ay tahay in hal sharikad oo kaliya ay ka shaqayso arrintaas, taas oo aan lahayn sharikado kale oo tartan ku la jira. Dhanka kale sharikadaha ka shaqe eya arrimaha socdaalka Xajka ayaan u ho ggaansamin qiimaha ay dawladdu u jaan gooysay in laga qaado Xujayda aadaysa xajka.Isbarbardhigga qiimaha Xajka ee deegaanada Soomaalida

1. Jabuuti: Xujayda reer Jabuuti ayaa xajka ku taga lacag gaaraysa 2,500 oo dol lar oo ay ku jiraan waxyaabaha uu xaajigu u baahan yahay inta uu guda nayo acmaa sha xajka, sida cuntadiisa, halka uu dagi lahaa iyo neefkii uu qali laha, sida uu BBC-da u sheegay Madaxa arrimaha xaj ka u qaabilsan Jabuuti.

Kenya: Qiimaha ay Xajka ku aadaan Muslimiinta kunool dalka Kenya oo ay ku jiraan Soomaalidu ayaa ah 3,000 oo do llar, waxaana qiimahaas kujira dham maan waxyaabaha ay u baahan yihiin xujaydu, marka laga reebo xaqul jeebka.

Itoobiya: dadka Xajka ka aada dalka Itoobiya oo Soomaalidu ay ku jirto ayaa waxaa laga qaadaa lacag gaaraysa 3,500 oo doollar, waxayna lacagtaas ku baxdaa arrimaha socdaalka, hoteellada iyo gad iidka halka aanay ku jirin cuntada qofka xaajiga ah.

Xujayda qaar ayaa marka ay xajka tag aan waxaa la dajiyaa teendhooyin halka kuwo kalena la dajiyo huteello, arrintaas ayay xujayda qaarkood sheegeen in ay ku xiran tahay sharikadaha diyaaradaha oo arrintaas ku kala duwan.

Soomaaliya: Dawladda Soomaaliya ay aa qiimaha lagu tago Xajka u jaan goysay in uu noqdo 3,300 oo dollar kadib markii ay cabasho katimid xujayda oo sheegay in laga qaado lacago xad dhaaf ah, hase aha atee qaar kamid ah culimada oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wali qiimuhu uu aad u badan yahay sharikadaha qaarna ay qaadaan lacago intaas aad uga badan oo gaaraya 4,000 oo dollar.

Xigasho:BBC Somali

Weerarada Suuriya oo lagu dilay 103 qof

In ka badan 100 qof oo 26 ka mid ah ay caruur yihiin ayaa ku dhintay weerara da dowladda Suuriya,waxaa sidaasi sheeg tay madaxa hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.Michelle Bachelet ayaa sheegtay in weeraradan lagu qaaday isbataalo,iskuulo,suuqaq iyo foornooyiinka lagu hagaajiyo rootiga.Ms Bachelet ayaa sheegtay in dhimashada dadkani ay qayb ka tahay "duqeymo isdaba joog ah oo ay fulinayaan dowlada Suuriya iyo wadama da taageera ", oo ay ka mid yihiin Ruu shka.

Bartilmaameedka ka dhanka ah rayid ka ayaa waxay intaa ku dartay in aysan ah ayn kuwa si kadis ah ku dhacay.

Waxay sidoo kale ka digtay in kuwa fulin aya weeraradan lagu soo oogi doono dam biyo dagaal.

XFS Oo Dalbatay In Rayidku Xoojiyo Ka Shaqeynta Amniga

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka codsatay shacabka in ay laba jibaaraan la shaqeynta hay'addaha ammaanka. Cabdinaasir Saciid Muuse, wasiir ku xigeenka amniga ayaa sheegay in dowladda ay ka go'an tahay ciribtirka Al-Shabaab.

Mr Muuse ayaa wuxuu ku nuux-nuux saday in weerarada kooxdaasi aysan u hakan doonin howlaha dib u dhiska dalka, sidda uu hadalka u dhigay. Arbacadii ayey ahayd markii weerar is-miidaamin oo ay Al-Shabaab sheegatay lagu beegsaday xarunta gobolka Banaadir. Dhacdadaasi ayaa galaafatay nolosha todoba mas'uul, waxaana ku dhaawacmay in ka badan tiradaasi oo uu ku jiro duqa caasimada, Cabdira-xmaan Eng Yariisow.


Ajaaniib Al-Shabaab ah oo ay Ciidanka Xoogga Dalka ku qabteen Afmadoow

Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Saacadahii lasoo dhaafay Saddex xubnood oo ah Ajaaniib ka bar-bar dagaallamaysay Al-Shabaab lagu soo qabtay howlgal Millitari oo ka dhac ay Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada hoose, sida ay daabacday Jariiradda Strategic Intelligence.

Saddexdan Nin oo kasoo jeeda Dalka Tansaaniya ayaa lala soo qabtay xubno kale oo iyaguna ka tirsan Al-Shabaab, waxaana Gurigii ay deggenaayeen laga helay Agabka ciidan iyo aaladaha laga sameeya Bambooyinka.

Degmada Afmadoow oo dhacda meel ku dhow xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, ayaa waxay qiyaastii 115-km u jirtaa Caasimadda Jubbada hoose ee Kismaayo, taas oo ka mid ah Magaaloo yinka ugu muhiimsan xagga isu socodka ganacsiga ee Koofurta Dalka.

 

"Hal arrin oo ay Somaliland ku waayi karto taageerada beesha caalamka” (Aqri)

Boqor Cismaan Buurmadow oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somalil and ayaa ka hadlay Arrimaha doora shooyinka Soma liland iyo xaalada guud ee ka jirta deega anada Somaliland.

Boqor Buurmadow ayaa sheegay in xukuumada Somaliland iyo xisbiyada muc aaridka looga baahanyahay in doo rasho oyinka ay waqtigooga ku qabtaan, haddii kale ay Somaliland waayi doonto taageer ada iyo tix-gelinta ay ka hesho beesha caalamka

Buurmadow ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xiisada u dhaxeysa Xuku umada iyo Jabhada uu hogaamiyo Kor nayl Caare, isagoona baaq u direy Mad axweyne Biixi, wuxuuna yiri "Dalku xaalada uu marayo hadal badan uma baahna, dalku wuxuu u baahan yahay dhawris iyo xanaano fara badan”.

"Xukuumada iyo xisbiyada waxaan u soo jeedinayaa laba arrin oo taagan oo midi doorashadii caalamku inagu tix-gali nayey ahayd, inta qudha ee aynu naruuro lahayn ama caalamku inoogu soo joogsan ayey waa doorasho, haday inoo dhici wa ydana waxaynu noqonaynaa dad caalam kuna indhaha kala noqdo”.

Wuxuuna intaas kusii daray "Arinka kale ee hada taagan ee buurta ee la leeya hay waa lays horfadhiyaa labadaba tan aasul iyo nabad galyo ayaan xukuumada iyo dadka ehelka ah ee aanu walaalaha nahay ugu baaqayaa”.

"Madaxweynaha iyo xukuumada waxa an leeyahay arrimaha taagan oo dhan mid dhibaato ah ha noqoto ama cid mucaarid ku ah dawlada ha noqotee ama arin siya asadeed oo doorasho ah ha noqotee inay dhimriso oo dajiso ayaan kula talinayaa”.

Xigasho:-Caasimada Online

Yurub oo wajahaysa Mowjado kuleyl ah

Diiwaanada heerkulka ee Yurub ayaa taariikh cusub sameynaya ayada oo mow jado kuleyl ah ay ku dhufteen qaaradda.

Hawada kulul ee ka baxeysa saxaraha Afrika ayaa la rumeysan yahay inay sabab u tahay in heerka kuleylka uu sare u kaco.

Magaalada Paris ayaa khamiistii hee rkulku gaaray 42.7 Celsius, taasi oo jebi say diiwaanka kululeyka ugu badnaa ee magaalada oo ah 40.4, kaasi oo dhacay 1947-kii.

Bishii June, France ayaa diiwaan gelis ay maalinkii ugu kululaa taariikda dalkaas, ayada oo heerkulku gaaray 47 Celsius, ta asi oo horseeday in digniinta kuleyl la gaar siiyo heerka ugu sarreeya ee casaanka.

Netherlands ayaa sidoo kale khamiistii diiwaan gelisay maalinkii ugu kululaa taa riikhda dalkaas, ayada oo kuleylku gaaray 41.7 Celsius. Dalka Jar malka, ayaa sidoo kale laga diiwaan geliay maalin cusub oo ah kii ugu kul ulaa taariikda dalkaas, halka asi oo he erkulku gaaray 42.6 Celsius.

In badan oo ka mid ah dhismooyinka dad weynaha ee Yurub ayaan lahayn qa booji ye. Warbixino ayaa sheegaya in kaliya 5% guryaha ay leeyihiin qabooji ye.

Qodobada looga hadli doono Kulanka Maanta ee Aqalka Sare

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta oo Sabti ah inay yeeshaan Kulankoodii caadiga ahaa.

Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa lagu wargaliyay dhammaan in ay soo xaadiraan xarunta Golaha si ay uga qeyb galaan Kulanka xildhibaanada Aqalka Sare.

Ajendayaasha muhiimka ah ee Aqalka Sare horyaalla oo ay ka doodi doonaan ayaa waxaa ka mid ah Sharciga xaqsiinta Ciidamada iyo hindise Sharciyeedka Batroolka sidda uu sheegay Guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa horay u meel mariyeen hindise sharciyeedyo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Musharaxiinta Jubbaland oo sameysanaya Guddi doorasho

Qaar ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ay sameysan doonaan guddi doorasho oo ka madax banaan kan Jubbaland ee Shaqada doorashadda ku howlan.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay waddaan dadaallo ay kaga hortagayaan shaqooyinka ay waddaan Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Waxaa uu ku eedeeyay in ay sameynayaan eex oo ay taageerayaan kaliyah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Guddiggaan doorashooyinka Jubbaland ayuu sheegay xildhibaan Xid-ig in dhammaan ay kasoo horjeed-daan Odayaasha dhaqanka Jubbaland, islam-arkaaana ay soo xuleen Odayaal aan sax aheyn.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip