Howlihii Gobolka Banaadir Oo "Si Caadi Ah Ku Socda"

0
Friday July 26, 2019 - 19:20:53 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlihii Gobolka Banaadir Oo "Si Caadi Ah Ku Socda"

    Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in adeegyadii uu maamulku bixin jiray ay si caadi ah ku socdaan. Ibraahim Cumar Mahad-alle ayaa shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka ay ku howlan yihiin baaritaanka qaabkii u dhacay we

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in adeegyadii uu maamulku bixin jiray ay si caadi ah ku socdaan. Ibraahim Cumar Mahad-alle ayaa shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka ay ku howlan yihiin baaritaanka qaabkii u dhacay weerarkii Arbacadii. Ku simaha gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa intaasi raaciyey in aysan waxba iska bedelin shaqadii gobolka, muwaadiniintana loogu shaqeyn doono sidii hore. Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa yiri "ugu dambeyntii, [AlShabaab] waan ka adkaan doonaa". Dadweynaha ayuu ku booriyey in ay is-dejiyaan, kana dhowr-sugaan warbixinta baaritaanka ay sameynayaa laamaha ammaanka. Weerarkii Al-Shabaab ee xarunta gobolka Banaadir ayaa wuxuu galaaftay todoba mas'uul, iyadda oo uu ku dhaawacmay duqa caasimada oo Qadar loo qaadey.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip