Wiil dhalinyaro ah oo jacayl awgii sun uu cabay ugu dhintey deegaanka ka tirsan Sh/dhexe
Wararka ka imanaya deegaanka Biyo-Cadde oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in uu u dhintey wiil dhalinyaro sun uu jacayl awgii u cabay.
Wiilkan oo la oran jirey Maxamed Cali Maxamuud ahaana 20 sano jir ayaa geeriyooday gelinkii hore ee shalay kadib markii uu fiidnimadii habeen hore uu cabay sun.
Dadaal lagu doonayay in lagu badbaadiyo wiilkan ayaa guuldareystey kadib markii la geeyay mid ka mid ah xarumaha caafimaad ee deegaanka Biyo Cadde.
Mid ka mid ah dadka ku nool deegaanka Biyo-Cadde ayaa sheegay in wiilkan u dhintey suntan uu cabay loo diiday gabar deegaanka ku nool oo uu qoyskeedii ka doontay.
"Wiilka waxa uu ahaa mid ka soo jeeda qoys sabool ah sidaa awgeedna qoyska uu gabadha ka doontay waxa ay ku xujeeyeen inuu u keeno xoolo uusan awoodin."ayuu yiri Cali Jimcaale oo ka mid ah dadka ku nool deegaanka Biyo-Cadde.
Waa markii ugu horeysay ee arrintan oo kale ay ka dhacdo deegaanka Biyo-Cadde ee gobolka Sh/dhexe.
x:jowhar.com
Wiil dhalinyaro ah oo jacayl awgii sun uu cabay ugu dhintey deegaanka ka tirsan Sh/dhexe
Wararka ka imanaya deegaanka Biyo-Cadde oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in uu u dhintey wiil dhalinyaro sun uu jacayl awgii u cabay. Wiilkan oo la oran jirey Maxamed Cali Maxamuud ahaana 20 sano jir ayaa geeriyooday gelinkii hore