Yurub oo wajahaysa mowjado kuleyl ah

0
Friday July 26, 2019 - 18:39:26 in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yurub oo wajahaysa mowjado kuleyl ah

    Diiwaanada heerkulka ee Yurub ayaa taariikh cusub sameynaya ayada oo mowjado kuleyl ah ay ku dhufteen qaaradda. Hawada kulul ee ka baxeysa saxaraha Afrika ayaa la rumeysan yahay inay sabab u tahay in heerka kuleylka uu sare u kaco. Magaalada Pari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diiwaanada heerkulka ee Yurub ayaa taariikh cusub sameynaya ayada oo mowjado kuleyl ah ay ku dhufteen qaaradda. Hawada kulul ee ka baxeysa saxaraha Afrika ayaa la rumeysan yahay inay sabab u tahay in heerka kuleylka uu sare u kaco. Magaalada Paris ayaa khamiistii heerkulku gaaray 42.7 Celsius, taasi oo jebisay diiwaanka kululeyka ugu badnaa ee magaalada oo ah 40.4, kaasi oo dhacay 1947-kii. Bishii June, France ayaa diiwaan gelisay maalinkii ugu kululaa taariikda dalkaas, ayada oo heerkulku gaaray 47 Celsius, taasi oo horseeday in digniinta kuleyl la gaarsiiyo heerka ugu sarreeya ee casaanka. Netherlands ayaa sidoo kale khamiistii diiwaan gelisay maalinkii ugu kululaa taariikhda dalkaas, ayada oo kuleylku gaaray 41.7 Celsius. Dalka Jarmalka, ayaa sidoo kale laga diiwaan geliay maalin cusub oo ah kii ugu kululaa taariikda dalkaas, halkaasi oo heerkulku gaaray 42.6 Celsius. In badan oo ka mid ah dhismooyinka dadweynaha ee Yurub ayaan lahayn qaboojiye. Warbixino ayaa sheegaya in kaliya 5% guryaha ay leeyihiin qaboojiye.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip