SAWIRO:-Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo soo gaaray Muqdisho

0
Friday July 26, 2019 - 18:36:15 in Wararka by
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo soo gaaray Muqdisho

    Magalada Muqdisho waxaa soo gaaray Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay,kuwas oo u dhashay dalka Uganda,waxaana Munaasabad soo dhaweyn ah loogu qabtay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho. Munaasada waxaa ka qeyb galay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaram

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Muqdisho waxaa soo gaaray Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay,kuwas oo u dhashay dalka Uganda,waxaana Munaasabad soo dhaweyn ah loogu qabtay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho. Munaasada waxaa ka qeyb galay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan,taliyaha Ciidamada lugta Uganda ee Sareeye Guuto General Peter Elwelu iyo Madax kale. Ciidamadan ka socda Qaramada Midoobay una dhashay dalka Uganda ayaa ka kooban 625 isugu jira Saraakiil & Ciidamo oo 89 ka mid ah ay haween yihiin,waxaana ay ilaalin doonaan Xarumaha UN-ka Saqaalaha iyo saraakiishooda. "Waxaan u mahadcelinayaa hoggaanka ciidamada ee hoos yimaada Taliyaha Ciidamada Difaaca gaar ahaan Taliyaha Ciidamada Dhulka. "Waxaan hogaamin doonaa xirfad ahaan iyo si hufan ayuu yiri Taliye kuxigeenka Ciidanka dhulka dalka Uganda Kornayl Bainomugisha" Ciidamadaan ka socda Qaramada Midoobay ee soo gaaray Magalada Muqdisho ayaa waxaa ay bedeleen Ciidamo kale oo waqtigooda dhamaday,kuwaas oo dib loogu celiyay dalkooda,waxaana sidoo kale ay ku soo aadayaa xilli Al-Shabaab ay sheegeen in qarixii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ay la damacsanaayeen Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip