Urur Goboleedka IGAD oo balan qaad u sameeyay Soomaaliya

0
Friday July 26, 2019 - 18:32:43 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Urur Goboleedka IGAD oo balan qaad u sameeyay Soomaaliya

    Siddeedda Waddan ee ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa si wada jir ah u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Arbacadii Todobaadkan ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir, kaas oo sababay dhimashada Saraakiil ka tirsan Dowladda, Dad uu ku jira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siddeedda Waddan ee ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa si wada jir ah u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Arbacadii Todobaadkan ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir, kaas oo sababay dhimashada Saraakiil ka tirsan Dowladda, Dad uu ku jira Duqa Muqdishana ay ku dhaawacmeen. War ay si wada jir ah usoo saareen Maanta oo Jimca ah Urur Goboleedka IGAD, laguna daabacay Jariiradda Strategic Intelligence, ayaa sidaa lagu sheegay. Urur Goboleedka IGAD wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo isu soo dhowaashaha Dowladda dhexe iyo maamullada Dalka ka jira, dhismaha awoodda Millitariga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, si loo hubiyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika. Weerarkii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo sheegay in bartilmaameedkoodu ahaa Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya , James Swan, oo ay tuhunsanaayeen in uu halkaasi ku sugnaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip