Dowladda Sweden oo safiir cusub u magacaabatay Soomaaliya

0
Friday July 26, 2019 - 16:42:45 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sweden oo safiir cusub u magacaabatay Soomaaliya

    Dowladda Sweden ee qaaradda Yurub ayaa safiir cusub u magacaabatay dalka geeska Afrika ku yaalla ee Soomaaliya, sida laga soo xigtay safaaradda Sweden ee Muqdisho. Danjire Staffan Tillander, oo lagu sheegay inuu waayo-aragnimo badan u leeyahay Soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Sweden ee qaaradda Yurub ayaa safiir cusub u magacaabatay dalka geeska Afrika ku yaalla ee Soomaaliya, sida laga soo xigtay safaaradda Sweden ee Muqdisho. Danjire Staffan Tillander, oo lagu sheegay inuu waayo-aragnimo badan u leeyahay Soomaaliya ayaa loo magacaabay safiirka cusub, isagoo beddeli doona diblumaasiga Andreas von Uexkull. "Tillander waxa uu khibrad ballaaran u ka heystaa Afrika iyo gobolka geeska Afrika oo ay ka mid tahay Soomaaliya." ayaa lagu yiri qoraal ay twitterka ku baahisay safaaradda Sweden ee Muqdisho. Staffan Tillander, ayaa horey uga soo shaqeeyay Soomaaliya, wuxuu soo noqday agaasimaha waaxda ku dhaqanka qanuunka iyo ammaanka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Waxaa kalo uu soo noqday safiirka Sweden u qaabilsan dalka Itoobiya iyo waddamo kale oo caalamka ah. Dalka Sweden ayaana ka mid ah waddamada reer Yurub ee safka hore uga jira dalalka sida dhow taageero maaliyadeed iyo mid siyaasadeed ku garab taagan Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip