Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo eedeymaha loo jeediyay dowladda Qatar

0
Friday July 26, 2019 - 16:32:57 in Wararka by
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo eedeymaha loo jeediyay dowladda Qatar

    Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si rasmi ah dowladda uga codsaday in baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyo eedeymaha la xiriira dowladda Qatar inay wax ka ogtahay weeraro ay dad ku dhinteen oo ka dhacay gudaha Soomaaliya. M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si rasmi ah dowladda uga codsaday in baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyo eedeymaha la xiriira dowladda Qatar inay wax ka ogtahay weeraro ay dad ku dhinteen oo ka dhacay gudaha Soomaaliya. Markii ugu horreysay waxaa ay eedeymaha soo shaac baxeen, markii wargeyska New York Times ee dalka Marekanka uu sheegay inuu helay hadal dhex maray nin ganacsade ah oo ku wargelinaya safiirka Qatar ee Soomaaliya inay ogyihiin weerar bishii May ka dhacay magaalada Boosaaso oo ay ka dambeeyaan maleeshiyaad fulinaya danaha Qatar ee ah in Imaaraadka uu ka cararo magaalada Boosaaso. Guddiga Arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warqad lagu dalbanayo in dowladda ay baaritaanno ku sameyso warbixinta New York Times u dirtay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga,Axmed Ciise Cawad,sida ay Hiiraan Online u sheegeen xubno ku dhow guddiga. Dowladda Qatar ayaa iska fogeysay dhammaan eedeymaha ka soo muuqday warbixinta wargeyska New York Times ,iyada oo xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay inay ku qanacday sida ay dowladda Qatar u diidday eedeymaha.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip