AMISOM Oo Cambaareysay Qaraxii Ka Dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

0
Friday July 26, 2019 - 16:20:03 in Wararka by
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM Oo Cambaareysay Qaraxii Ka Dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

    Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire;Francisco Madeira, ayaa si weyn u dhalleeceeyay weerarkii dhowaan la beegsatay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir. Danjire; Madeira, ayaa yiri, "Ficilkan axmaqnimada iyo naxar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire;Francisco Madeira, ayaa si weyn u dhalleeceeyay weerarkii dhowaan la beegsatay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir. Danjire; Madeira, ayaa yiri, "Ficilkan axmaqnimada iyo naxariis darrada ah , waxaa cad in loogu talo galay in lagu daadiyo Dhiig badan oo ah Dad aan wax galabsan ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho. Amb: Francisco Madeira, ayaa sidoo kale sheegay in kuwa mas'uulka ka ahaa weerarka fulaynimada ah ay doonayaan oo keliya in ay sii wadaan ficillada noocan ah oo Dalkana u horseedaya bur-bur iyo qalalaase. Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire;Francisco Madeira, ayaa intaa raaciyay in aysan Argagixisadu ku guuleysan doonin ololaha dagaal ee macna darrada ah, wuxuuna sheegay in reer Muqdisho iyo Dadka Soomaaliyeed oo dhami ay u ooman yihiin nabad. Danjire; Francisco Madeira, ayaa ugu dambayn tacsi u diray Qoysaskii dhibbanayaasha iyo maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna kuwa dhaawaca qaba ah u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Image result for amisom logo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip