Yukrayn Oo Gacanta Ku Dhigtay Markab Booyadle Laga Lahaa Raashiya

0
Thursday July 25, 2019 - 19:43:42 in Wararka by
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yukrayn Oo Gacanta Ku Dhigtay Markab Booyadle Laga Lahaa Raashiya

    Hay'adda Sirdoonka ee dalka Yukrayn waxay maanta sheegtay inay gacanta ku dhigeen Markabkaasi oo ku lug lahaa iska horimaad sannadkii hore ka dhacay GacankaKerch,oo ay Raashiya ku qabsatay 3 Markab oo ay Yukrayn leedahay. Hadalka maanta ka so

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Sirdoonka ee dalka Yukrayn waxay maanta sheegtay inay gacanta ku dhigeen Markabkaasi oo ku lug lahaa iska horimaad sannadkii hore ka dhacay GacankaKerch,oo ay Raashiya ku qabsatay 3 Markab oo ay Yukrayn leedahay. Hadalka maanta ka soo baxay Hay'adda Sirdoonka Yukrayn waxay ku sheegeen inay gacanta ku dhigeen Markab nooca Booyadlaha oo Raashiya leedahay, kaasi oo ku soo xirtay Dekedda Izmail ee ku taalla Yukrayn. Waxay sheegeen in Markabka horey loo oran jireyThe Neyma,balse, haatan loo bixiyey magacaNika Spirit,iyagoo ku eedeeyey inuu ku lug lahaa falkii ay Raashiya ku qabsatay Badmaaxiin u dhalatay Yukrayn iyo saddexdii Markab ee ay wateen. Shaqaalihii la socday Maraakiibtaasi waxay weli ku xiran yihiin Raashiya, kadib, markii la qabtay bishii November ee sannadkii hore, wuxuuna iska horimaadkaasi ka dhacay Badda kala qeybisa Raashiya iyo Gobalka Keremiya. Dhinaca kale, Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Raashiya oo lagu magacaaboValadamir Dzhabarovwaxa uu sheegay inuu falkaasi yahay mid sharci-darro ah, sida ay ka soo xigatay Wakaalladda Wararka Raashiya ee RIA.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip