Xal Laga Gaaray Colaad Muddo Ka Taagneyd Deegaan Ka Tirsan Gobolka Sanaag

0
Thursday July 25, 2019 - 19:42:28 in Wararka by
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xal Laga Gaaray Colaad Muddo Ka Taagneyd Deegaan Ka Tirsan Gobolka Sanaag

    Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqaaqada colaadeed ee muddo ka taagnayd deegaanka Ceel-Afweyn iyo guud ahaanba Gobolka Sanaag, waxana uu bulshada ugu bushaareeyey inay arrintaasi marayso marxalad farxad iyo yididii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqaaqada colaadeed ee muddo ka taagnayd deegaanka Ceel-Afweyn iyo guud ahaanba Gobolka Sanaag, waxana uu bulshada ugu bushaareeyey inay arrintaasi marayso marxalad farxad iyo yididiilo badan. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa uu sheegay in laga gudbay dhammaanba caqabadihii hor taagnaa colaadahaas, marka laga tago waafajinta heshiiska ee dhinaca sharciyadda. "Arrinta Ceel-Afweyn nabad baa ka jirta, walwalna kama qabno inay nabad ku dhammaanayso, dadkaa halkaas isugu tegay, kuwa sii joogay iyo kuwa u tegayba dhammaanteen waxa aynnu heshiis ku nahay inay arrintaas nabad ku dhammaato oo ay islaax dhexdeenna ah ku dhammaato oo aanay waxba inaga duul duulin"ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland. Hadalka madaxweynaha maamulka Somaliland, ayaa waxaa daba socda isku dayo ay muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlannaayeen madax-dhaqameed iyo waxgarad reer Somaliland ah oo u guntaday sidii colaadda gobolka Sanaag loo soo afjari lahaa, kuwaas oo garab iyo wada-shaqaynba ka helay Madaxda Somaliland iyo guud ahaanba maamulka gobolka Sanaag.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip