Sacuudi Carabiya oo Cambaareysay weerarkii gobolka Banaadir

0
Thursday July 25, 2019 - 19:40:21 in Wararka by
  • Visits: 358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudi Carabiya oo Cambaareysay weerarkii gobolka Banaadir

    War qoraal oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kulul loogu cambaareyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir. "Waxaannu si kulul u cambaareynaynaa w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War qoraal oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kulul loogu cambaareyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir. "Waxaannu si kulul u cambaareynaynaa weerarkii argagixso ee ka dhacay Muqdisho, waxaana xoojinaynaa garab istaagga Soomaaliya ee aan ku garab taagannahay la dagaallanka argagixsada iyo xagjirnimada. Weerarkan oo uu fuliyay qof ismiidaamiyay ayaa lagu beegsaday goob uu ka socday kulan ay lahaayeen saraakiisha maamulka gobolka Banaadir. Ismiidaamintan ayaa sababtay geerida illaa lix xubnood oo isugu jiraa guddoomiyeyaal degmo, agaasimayaal iyo la taliyaal ka tisan gobolka Banaadir. Guddoomiyaha gobolka Banaadir injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ka mid ahaa saraakiishii uu dhaawacu kasoo gaaray weerarkaas. Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa iyana cambaareeyay weerarkan Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo gurmad caafimaad ah oo dal iyo dibadba leh oo lagu baxnaaninayo saraakiisha uu dhaawacu gaaray Kooxda Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka xarunta gobolka Banaadir. Laba maalmood ka hor ayay ahayd markii baabuur laga soo buuxiyay walxo qarxa uu isku miidaamiyay bar koontorool oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 17 qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen Sacuudi Carabiya oo Cambaareysay weerarkii gobolka Banaadir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip