Ciidamo Ka Tirsan AMISOM Oo Qarax Lagula Eegtay Muqdisho

0
Thursday July 25, 2019 - 19:38:40 in Wararka by
  • Visits: 347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Ka Tirsan AMISOM Oo Qarax Lagula Eegtay Muqdisho

    Gelinkii dambe ee Maanta ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afika ee AMISOM waxaa qarax lagula eegtay qeybo kamid ah Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir. Qaraxaas ayaa waxaa ahaa Miino nooca dhulka lagu aasay,isla markaana waxaa Ciidamada lagula ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afika ee AMISOM waxaa qarax lagula eegtay qeybo kamid ah Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir. Qaraxaas ayaa waxaa ahaa Miino nooca dhulka lagu aasay,isla markaana waxaa Ciidamada lagula eegtay xili ay marayeen inta u dhexeeysa Xaafada Soos iyo Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in qaraxa,kadib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas badan,taasi oo weli la shaacin Khasaaraha ay geystay. Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha qarxaas ka soo gaaray Ciidamada AMISOM,hayeeshee waxaa la sheegay in Ciidamada horey ay usii wateen socdaalkooda. Inta badan Ciidamada AMISOM ayaa waxaa qaraxyo kala duwan lagula eegtaa xiliyada ay socdaalka ku marayaan inta u dhexeeysa Xaafada Soos iyo Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir,waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip