Diyaarad Xamar ka qaaday dhaawaca Injineer Yariisow

0
Thursday July 25, 2019 - 19:21:30 in Wararka by
  • Visits: 335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Xamar ka qaaday dhaawaca Injineer Yariisow

    Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho waxaa goordhow ka duushay diyaarad sida dhaawaca Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo xubno kale oo ku dhaawacmay qarixii Xarunta Gobolka e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho waxaa goordhow ka duushay diyaarad sida dhaawaca Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo xubno kale oo ku dhaawacmay qarixii Xarunta Gobolka ee shalay. Diyaarada oo ah mid milatari ayaa waxaa Soomaaliya u soo dirtay dowladda Qatar, waxaana xubnaha kale e dhaawaca ah oo ay qaaday ka mid ah Guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabseey iyo xubno kale. Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dhaawacyada kasii sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyaga oo caafimaad u rajeeyay mas'uuliiintaas. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ay tahay mid soo hagaageysa markii loo eego shalay, waxana xalay laba qaliin loogu sameeyay Ex-Digfeer ee Magalada Muqdisho. Image result for YARIISOOW


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip