Madaxweynihii Tuniisiya oo geeriyooday

0
Thursday July 25, 2019 - 19:14:13 in Wararka by
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Tuniisiya oo geeriyooday

    Dowladda dalka Tuniisiya ayaa maanta ku dhawaaqday in uu geeriyooday madaxweynihii dalkaas Beji Caid Essebsi oo 92 jir ahaa. Essebsi ayaa la sheegay in shalay galinkii dambe loola cararay isbitaalka kaddib xanuun la soo gudboonaday. Madaxtooyad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda dalka Tuniisiya ayaa maanta ku dhawaaqday in uu geeriyooday madaxweynihii dalkaas Beji Caid Essebsi oo 92 jir ahaa. Essebsi ayaa la sheegay in shalay galinkii dambe loola cararay isbitaalka kaddib xanuun la soo gudboonaday. Madaxtooyada dalka Tunisia ayaa sheegtay in ay dib kaga dhawaaqi doonto xilliga ay dhacayso munaasabbada aaska qaran ee madaxweynaha geeriyooday. Sida uu qabo dastuurka dalkaas guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Naasir ayaa si kumeel gaar ah u qabanaya talada dalka iyada oo muddo 45-90 cisho ah lagu diyaarinayo doorashada madaxweynaha. Geerida Essebsi ayaa imanaysa xilli la qorsheynayay in dabayaaqada sanadkani ay dalkaasi ka dhacdo doorasho iyada oo ay xusid mudantahay in mudane Essebsi uu horay u sheegay in uusan isu soo sharrixi doonan doorashadaa. Madaxweynaha geeriyooday ayaa dalka Tuniisiya soo hoggaaminayay tan iyo 2014-kii. Essebsi waxa uu dhashay 26-Nofembar 1926-kii wuxuuna saaxiib dhow la ahaa Xabiib Borqiiba madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Tuniisiya. Madaxweynihii Tuniisiya oo geeriyooday


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip