Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabisay Gantaalo Hor Leh.

0
Thursday July 25, 2019 - 10:36:36 in Wararka by
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabisay Gantaalo Hor Leh.

    Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay labo gantaal oo kuwa ridada gaaban ah sida ay sheegtay Kuuriyada Koonfureed. Gantaalada ayaa latijaabiyay galinkii hore ee Khamiista iyagoona ku socday masaafo dhan 430km (270 miles) waxayna qarxeen ka hor inta aysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay labo gantaal oo kuwa ridada gaaban ah sida ay sheegtay Kuuriyada Koonfureed. Gantaalada ayaa latijaabiyay galinkii hore ee Khamiista iyagoona ku socday masaafo dhan 430km (270 miles) waxayna qarxeen ka hor inta aysan gaarin badda Japan, oo sidoo kale loo yaqaano badda bari. Ridida gantaaladan ayaa timid kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay ka carootay dhoolatus military oo bisha soo aadan si wada jir ah u qaban doonaan Kuuriyada Koonfureed iyo dowladda Mareykanka. Waqooyigu waxa uu sidoo kale ka digay in qorshahaasi uu saameenayo wadahadaladii baabi'inta Niyukleeeka. Gantaaladu waxaa laga riday meel u dhaw bariga magaalada Wonsan. Iyadoona aysan cadeen in hogaamiye Kim Jong-un uu goob joog ka ahaa tijaabadaasi. Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 30'kii bishii June kulan taariikhi ah kula yeeshay hogaamiye Kim aaga militariga ka caagan ee kala qeebiya labada Kuuriya iyagoona isku afgartay in dib loo bilaabo wadahadaladii labada dhinac.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip