HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 25-KA JUUN 2019-KA

0
Thursday July 25, 2019 - 10:29:54 in Wararka by
  • Visits: 424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 25-KA JUUN 2019-KA

    GUDDOOMIYE TUULAX OO KA HADLAY QAR AXII KA DHACAY XARUNTA G/BANAADIR BAAQNA DIRAY Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee m aamulka gobolka Benadir Md. Tuulax oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ugu baaqay Shacabka gobolka Benadir iney is dejiyaan. Gu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GUDDOOMIYE TUULAX OO KA HADLAY QAR AXII KA DHACAY XARUNTA G/BANAADIR BAAQNA DIRAY Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee m aamulka gobolka Benadir Md. Tuulax oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ugu baaqay Shacabka gobolka Benadir iney is dejiyaan. Guddoomiye Tuulax waxa uu xaqiijiyey in Guddoomiyaha gobolka Benadir ahna Duqa M/Muqdisho uu nool yahay islamar kaana uu soo gaaray dhaawac fudud had dana ay dhaqaatiirta dabiibiyaan. Sidoo kale Guddoomiye Tuulax waxa uu xaqiijiyey iney jiraan dhaawac so gaar ay Guddoomiyeyaasha degmooyinka gob olka qaarkood iyo Agaasimeyaasha dowl adda hoose qaar ka tirsan.Ugu dambeyn waxa uu sheegay in falkan Al-shabaab ge ysteen uusan joojin doonin shaqada ay shacabka u hayaan islamarkaana Shacab ka looga baahan yahay iney isku duubni muujiyaan.

ROBERT MUELLER OO KU HOR MARQAATI FURAYA CONGRESS-KA

Baarihii gaarka ahaa ee faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii Mareykanka ee 2016, ayaa Shalay hor-fa dhiya Aqlka Wakiilada Mareykanka, oo su’aalo lagu weydiinayo.

Robert Mueller ayaa shaaca ka qaaday arrimo badan oo ka mid ah xogta baarita ankii ay sameeyeen, waxaana ka mid ah inuu sheegay inay muddo sanad ah isku dayayeen inay wareystaan madaxweyne Donald Trump balse uu diiday.Mueller ay aa sidoo kale mar kale ku celiyey in warbix intii uu soo saraay aysan bari yeelin mada xweynaha, inkasta oo madaxweynaha uu marar badan sidaas sheegay.

Waxa uu sheegay in go’aankooda warbi xinta uu qeyb ka ahaa inaysan madaxwey ne xil haye ku soo oogin karo dacwado dambiyeed.

Mueller waxa uu sheegay inaysan helin wax caddeymo ah oo ku filan oo xaqiijin kara in madaxweynaha ama qaar ka mid ah xubnaha ololihiisa doorasho ay Ruush ka kala shaqeeyeen faro-gelinta doora shadab.

DFS OO KA HORTIMID LIISKA ODAYAASHA XULAYA XILDHIBAANNADA JUBBALAND EE LA SOO SAARAY

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hor timid liiska odayaasha dhaqanka Jubaland ee soo xulaya xildhibaanada maamulkaas, kaas oo maalin ka hor ay soo saareen gud diga madaxa bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasa aradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee XS ayaa lagu sheegay in liiskaMagac yada Odayaasha la soo saaray aysan ah eyn kuwii saxda ahaa,sidoo kalena musha rixiinta aysan is diiwaangelin Karin ilaa la soo xulo Xildhibaannada.

Sidoo kale Warka ka soo baxay Wasaa radda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheeg ay in Wasaaradda ay diyaar u tahay in Wa saaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland kala Shaqeyso diyaarinta Odayaashii sax da ahaa ee u diiwan gashay Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa ka digtay dhibaatada ka imaan karto haddii la guda-galo soo xulista Xildhibaannada Cusub ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, iyada oo aan si sax ah loo marin ama la saxin liiska Odayaasha Dhaqanka.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafaadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO TABABBAR U SOO XIRAY SARAAKIIL CIIDAN

Madaxweynaha JFS Md. Maxamed C/hi Farmaajo ayaa haatan uga qeyb galaya Dugsiga Tababarka ee Turk-Som munaa sabad tababar loogu soo xirayo Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo munaasabadda ka ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha aqalka sare, saraakiil ka kala socotay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Sal dhiga turkiga uu ku leeyahay M/Muqdi sho.Madaxweynaha Soomaaliya Md.Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Mun aasabada tababarka Saraakiisha loogu soo xirayay ayaa kula dardaarmay saraaki isha iyo saraakiil xigeenada tababarka la siiyay in waxyaabhihii la soo baaray Shac abka Soomaaliyeed ugu adeegaan.Waxaa uu sheegay in Saraakiishaan looga baah an yahay inay noqdaan kuwa wadaniyiin ah oo aaminsan inay dalka leeyihiin,isla markaana muhiim ay tahay inay dalkooda difaacaan una Shaqeeyaan,waxaana dow ladda Turkiga uu ugu mahad celiyay sida ay u garab taagan yihiin Shacabka Soom aaliyeed.

Waa dufcadii 2aad oo saraakiisha heer kaan ah ee ka qalin jebiya Dugsiga Tabab barka ee Turk-Som ee Magalada Muqdi sho,waxaana xerada weli ka socda tab abbar la siinaayo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

DUQA MUQDISHO OO QAABILAY WAKIILKA QARAMADA MIDOOBAY

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Md Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo Xafiis kiisa ku qaabilay Wakiilka QM ee Soomaa liya Md. James Swan ay aa ugu hambalye eyay xilkan dhawaan loo soo magaca abay.

Guddoomiyaha iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa iska xogw areystay Amniga, siyaasadda guud ee dal ka, horumarinta iyo arrimaha gargaarka.

Danjire James ayaa uga mahadceliyey Maamulka iyo shacabka Gobolka Banaa dir soo dhaweynta wanaagsan, isagoona ti lmaamay sida ay uga go’an tahay in ay sii dardar geliyaan wadashaqe ynta Maamul ka Gobolka iyo Mashaariicda ay ku taage eraan bulshada Caasimad da.

Dhankiisa,Guddoomiyaha ayaa la wa daagay Wakiil ka Q/Midoobey ee Soom aaliya dadaallada joogtada ah ee Maamu lka Gobolku ay ku bixinayaan horumarin ta iyo sugidda amniga Caasimadda, xal u helista arrimaha barakacaayasha, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, darise ynta iyo dib u heshiisiinta oo dhammaant ood laga gaaray guulo la taaban karo.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay kala shaq eynayaan Wakiil James Swan arrimaha loo igmaday ee hor tabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si loo xaqiiji yo qorsheyaasha ku qotoma xasilinta dal ka iyo horumarintiisa.G/yariisow ayaa la kulmay W/Q/Midoway inta uu qaraxa ku dhaawacmin

KHASAARAHA KA DHASHAY QARIXII KA DHA CAY XARUNTA G/BANAADIR OO KORDHAY

Waxaa kordhay dadka ku waxyeeloobay qarixii khasaaraha dhimashada iyo dhaaw aca ah geystay ee shalay Gelinkii dambe ka dhex dhacay Xarunta Maamulka gobo lka Banaadir,kaas oo ay ku waxyeelooban dad u badan mas’uuliyiin.

Qaraxa oo ahaa ismiidaamin ayaa ma s’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Ban aadir waxaa ay sheegeen in loo maleyn ayo inay haweeneey is qarxisay,hayee shee Hay’adaha Amniga & Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir ay baarita ano ku sameynayaan.

Dadka ku dhintay qaraxaas ayaa wax aa ka mid ah Gudoomiyihii Cabdicasiis Sa baax Cabdullahi Asad, Gudoomiyihii degm ada Waabari, Mahad Cilmi, guddoomiyihii degmada Shangaani Shahra-Zad Sheikh Mohamed oo u geeriyootay xalay dhaaw ac soo gaaray, Agaasimaha nadaafadda Cabdifataax Cumar Xalane, Agaasimahii Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir Cabdullaahi Dheere iyo la taliyihii dhanka Sharciga ee gobolka Banaadir Xasan Sabriye.

Sidoo kale qaraxaasi waxaa dhaawac culus uu kasoo gaaray Guddoomiyaha Go bolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan(Yariisow) iyo Xubno kale, kuwa as oo Maanta la filayo in loo qaado caafi maad dalka dibadiisa ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cbdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Hay’ad aha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falka dhacay islamarkaana ay faah faahin dib kasoo sheegi doonaan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliy adda qaraxaas,iyaga oo warar ay ku qor een Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ku sheegay in weerarkaasi qaraxa ahaa ay la damacsanaayeen Wakiilka Xoghayaha Gu ud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan,kaas oo saacado ka hor Gudaha Xa runta Kulan kula qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow.

SOOMAALILAND OO CIIDAMMO CUSUB G EYSAY DEEGAANNO KA TIRSAN SANAAG

Wararka laga helayo deegaano ka tirs an gobolka Sanaag ayaa waxaa ay shee gayaan in Soomaaliland saacadihii la soo dhaafay ay Ciidamo farabadan geysay de egaanno hoostaga M/Ceerigaabo.

Ciidamo wata Gaadiidka dagaalka oo la ga kala qaaday deegaannada Tukaraq & Galbeedka Magaalada Hargeysa ayaa go objoogayaal waxaa ay sheegeen in la gee yay Buuraleyda Ceerigaabo oo meel u dhow ay saldhig ka sameesteen Ciidamo uu wato Korneel Caarre oo horay uga go ostay Ciidamada Soomaaliland.

Ciidamada la geeyay duleedka Ceeriga abo ayaa waxaa hoggaaminaya taliyaha Ciidamada RRU ee Soomaliland,waxaana Shalay lagu soo waramayaa inay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Korneel Caarre oo dhowr mar Warba ahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu weerari doono deegaannada Soomaa liland,hayeeshee Odayaasha iyo waxgar adka Gobolka Sool ayaa maalmahan dhex dhexaadin ka dhex waday Korneel Caarre iyo Madaxda Soomaaliland.

Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga Soo maaliland weli kama hadlin ujeedka Ciid amada ay deegaankaasi u geeyeen, wax aana xusid mudan in deegaanno ka tirsan gobolka Sool ay ka jirto xiisad u dhaxeyso Puntland & Soomaaliland.

RW KU-XIGEENKA DALKA OO CASHO SHAR AF LOOGU SAMEEYAY BAYDHABO

R/Wasaare ku-xigeenka XFS Md. Ma hdi Maxamed Guuleed (Khadar)oo Habeen Hore ka qayb galay munaasabad sagootin ah oo loogu sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa jeed iyay khudbad dheer oo dhinacya badan taabaneysa.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo mad axweynaha Koonfur Galbeed , guud aha an maamulka dowlad gobaleedka iyo shac abka Koonfur Galbeed uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran, ayaa ka hadlay qiimaha federaalku uu bulshada u leeyaha y, midnimada, wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada iyo doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxa med (Lafta-gareen) ayaa casho sharaf sagootin ah u sameeyay wafdiga uu hog gaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ee Dorraad ka qayb galay Madasha arrim aha bini’aadninimada dalka oo ay soo aga asintay waraaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinkaxukuumad da federaalka Soomaaliya.

RA’IISAL WASAARAHA CUSUB OO SHALAY LA WAREEGAYA TALADA DALKA INGIRIISKA

Xisbiga Conservativeka ayaa Talaada dii Dorraad u doortay in Boris Johson uu no qdo hogaamiyaha xisbiga, kaas oo beddeli doona Theresa May. Arrintan ayaa wadda da u sii xaareysa inuu Arbaca Shalay ah marti qaad ka helo boqortaay ada si loogu magacaabo RW-ha cusub ee Britain.

Ninkan oo ah suxufi hore, marna soo no qda duqa magaalada London ayaa noloshi isa dhamaanteed ku taamayey xilkan uu hadda qabtay, hase yeeshee, ay shaqo aad u adagi hortaallo.

Falaago xisbigiisa kula jirta oo uu hormo od ka yahay Md. lagu magacaabo Philip Hammond ayaa isaga u caddeeyey in ha ddii uu isku dayo in Britain uu heshiis la’a an kaga saaro M. Yurub, ay codkooda ku biirin doonaan xisibiyada mucaaradka ah si ay xukuumaddiisa u ridaan, arrintaas oo keenaysa doorasho xiligeedii laga soo hor mariyey, taas oo ay u egtahay in xisbiga conservative-ku aanu ku gulaysan doonin

DOWLADDA OO GUDDI U SAARTAY QARAXII DOWLADDA HOOSE

Ra’iisul XFS Mudane Mahdi Max amed Guuleed (Khadar) ayaa magacaa bay guddi ka kooban wasiiro Iyo maamulka Gobolka Bana adir, oo ka shaq eyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii maanta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Hoos ka Akhriso

DOWLADDA OO BALLAN QAAD U SAMEE YSAY 10-KA ARDAY EE KAALMAHA HORE KA GASHAY IMTIXAANKA

Wasaaradda Waxbarashada SoomaalIya ayaashaacisay natiijada imtixaanaad kii mideysnaa ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo toos uga hadlayey Telefishinka Qaran ka ayaa akhriyey war-saxaafadeed ay ku qoran yihiin tirada gudubtay imtixaanka, tirada dhacday iyo 10-ka qof ee kaalinta1aad ka gashay sannadkaan.

Md. Cabdullaahi Googax Barre ayaa sheegay in ardayda 10-ka ah ee kaalinta 1aad u gudubtay ay dowladda Soomaaliya siin doonto deeq waxbarasho oo lacag la’a an ah dalka iyo dibedda meesha ay doonaan.

Sidoo kale wasaaradda Waxbarashada ayaa sameysay Website ay ardaydu si fu dud uga helikaraan imtixaanka gaar aha an arday walba natiijadiisa, isagoo gelin doona website-kawww.soneb.gov.so.

KUMANNAAN MUHAAJIRIIN OO AY SOOMA ALI KU JIRTO OO GACANTA LAGU DHIGAY

Ugu yaraan 2,212 Muhaajiriin sharci-darro ku joogtay dalka Turkiga ayaa lagu soo qabtay Hawlgalo ay Ciiddanka Amm aanka dalkaasi ka fuliyeenGoballada dal kaasi oo dhan.

Hawlgalaasi oo socday muddo Isbuuc ah ayaa la sheegay in tirada ugu badan la gu qabtay Goballadda Van iyo Erzurum ee Bariga Turkiga iyo Goballadda Xeebleyda ee xuduudka la leh dalalka Giriiga iyo Bulgaria.

Wakaalladda Wararka Turkiga ee Ana dolu News Agency ayaa waxay Ilo dhanka Ammaanka ka soo xigteen in Hawlgalka asi ahaa kii ugu weynaa ee lagu soo qabto Kumanaan Muhaajiriin bilaa sharci ah ku joogtay dalkaasi.

Wakaalladdu waxay kaloo sheegtay in inta badan Muhaajiriinta la qabtay ay Turki ga ku soo galeen qaab aan sharci ahayn iyo inay qorsheynayeen inay Turkiga ka dhigtaan marin ay uga sii gudbaan dalalka Midowga Europe.

Kumannaanka Muhaajiriinta ee maal mihii la soo dhaafay lagu qabtay waxaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan dalalka Somaliya, Syriya, Masar, Libiya, Tunisiya, Moroko, Senigal, Afrikada Dhexe, Alge riya, Falastiin, Iiraan, Bangaladesh iyo Pakistan.

Muhaajiriintaasi waxaa qaarkood dar yeel caafimaad loogu gudbiyey Isbitaalla da, halka kuwa kalena loo gudbiyey Xafii syada Waaxda Socdaalka ku leedahay Go balladda ay hawlgalladu ka dhaceen.

Dowladda Turkiga waxay marti-gelisay qiyaastii 3.7 Million oo Qaxooti iyo Muhaaj iriin, waana dalka ugu badan ee qaabilay Qaxootiga marka loo eego dalalka Caal amka, sida ay xaqiijisay Wakaalladda Muh aajiriinta Caalamka ee IOM.

XASAN SHEEKH OO KA HADLAY QARAXII KA DHACAY XARUNTA GOBOLKA BANAADIR

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka hadlay qaraxii gelinkii dambe ee Maan ta ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Md.Xasan Sheekh ayaa waxaa tacsi u diray dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee Shalay ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaa wacmay qaraxaas ka dhacayXarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Magaa lada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soo maaliya ayaa waxaa Alle uga baryay dad kii halkaas ku dhintay in Janada ka wara abiyo,halka ku dhaawacmay Alle Caafima ad deg deg ah uu siiyo.

"Dadka Soomaaliyeed waxaa ugu baa qayaa in sidaan wax laga baddalo oo loo istaago badbaado Qaran. Dadka siyaasad da isku dhibsadana waxaan leeyahay Al-shabaab uma kala sokeysaan oo mid uu hoobiye ku tuuro iyo mid uu qarax la beeg sado ayaan u dhaxeynaa ee Soomaaliyey badbaado ha loo istaago”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Qaraxii Shalay ka dhacay Xarunta Go bolka Banaadir ee Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dha shay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Mas’uuliyiin Sar Sare oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo uu kamid yahay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

XISBIGA HIMILO QARANOO CAMBAAREE YAY QARAXII KA DHACAY MUQDISHO

Xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiya ha ka yahay Madaxweynihii hore ee Soo maaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu War ka soo saaray Qaraxii gelinkii dambe ee Shalay ka dhacay Xar unta maamulka Gobolka Banaadir.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa uu si adeg u Cambaareeyay qaraxaas ka dhacay hoolka shirarka maamulka Gob olka Banaadir,kaasi oo ahaa mid Ismiid aamin ah oo fulisay qof Dumar ahaa.

Sidoo kale Xisbigaayaa waxaa uu Alle uga baryay intii ku dhimatay qaraxaas inuu Janada ka waraabiyo,halka kuwii ku dhaawacmay Caafimad deg deg ah Alle uu siiyo.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ka tacsiy aynayaa arrintii foosha xumayd ee Shalay ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir. Iyadoo qarax lala beegsaday hoolka shirar ka Dowladda Hoose. Qaraxaas inti ku dhi matay waxaan ilaah uga baryeynaa inuu Jannadiisa hoy uga dhigo, inti ku dhaawac antayna u booga dhayo.

Waxaan si adag u Canbaaraynaynaa falkaan iyo falalka kale oo maalmahaan ku soo badanaya Caasimadda Dalka iyo Mag aalooyinka kale, waxaa looga hor tagi ka raa arrimahaan, iyadoo hal meel looga soo wada jeestoweerarrada Al-shabaab ee dhibaatada ka soo gaarto Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiriSheekh Shariif.

Qaraxii gelinkii dambe ee Shalay ka dhacay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhaawacmay Gu ddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Guddoomiyeyaal kale,waxaa na ku dhintay 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo 3 Agaasime,waxaana qaraxaas sheeg tay Al-shabaab.

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TAL YAANIGA KALA HADLAY ARRIMO U HIIMA AH

Taliyaha ciidanka xooga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Mag aalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa kulamo laqaatay mas’uuliyiinta ugu sare ysa Ciidammada Dalka Talyaaniga.

General Daahir Aadan Cilmi Indhaqar she ayaa Madaxda Ciidamada Dalka Taly aaniga kala hadlay xoojinta xiriirka soo jir eenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tabarada ey Talyaaniga siiyaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqa rshe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dha waan gaaray Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga,isagoo halkaas ka wada kula mo kala duwan.

DOWLADDA QATAR OO SAXIIXDAY HESHIIS SHIDAAL LOOGA BAARAYO XUDUUD-BADDEE DKA SOMALIYA IYO KENYA ISKU HAYSTAAN.

Shirkadda Shidaalka ee dalka Qatar ee Qatar Petroleum (QP) ayaa la sheegay in ay qalinka ku duugtay Heshiis shidaal loo ga baarayo 3 Xirmo shidaal oo ku yaalla meel ka baxsan Xeebaha Kenya, kuna dhow xuduud-baddeedka Somalia ee ay Kenya sheeganayso.

Shirkadda Shidaalka Qatar ee QP wax ay Heshiis saami-wadaag ah la gashay Shirkadda Shidaalka baarta ee dalka Taly aaniga ee ENI iyo Shirkadda Shidaalka ee dalka Faransiiska ee Total, si ay shidaal uga baarayaan Xirmooyinka Shidaalka ee L11A, L11B iyo L12, kuwaasi oo la she egay inay ku yeellaan meel ka baxsan Xeebaha dalka Kenya

Shirkadda Batroolka Qatar ee QP wax ay Heshiiska ay la gashay Shirkadda ENI iyo Total oo ay ku leedahay 25% ee dana ha wadaagista, halka ay Shirkadda ENI ku yeelanayso 13.75% iyo Shirkadda Total oo ku yeelanaysa 11.25%.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Tamarta ee dalka Qatar, Sacad Bin Sherida Al-kacbi, ahna Guddoomiyaha iyo Madaxa Guud ee Fulinta ee Shirkadda Batroolka Qatar, waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay saxiixaan Heshiiska ay qeybta kaga noqdeen Sahminta Shidaalka ee meelaha ka baxsan Xeebta Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray inay rajeyna yaan in lagu guulaysto Sahmintaasi iyo ina an Shirkadaha Shidaalka ENI IYO TOTAL iyo Dowladda Kenya yeelanayo wada-sha qeyn dheeraad ah iyo inay Dowladda Qat ar xoojin doonto Joogitaankeeda Qaarad da Afrika.

Dhinaca kale, Saddexda Xirmo shidaal ee Kenya ee (L11A, L11B and L12) oo ay Shirkadda Shidaalka Qatar ku soo biirtay sahanka lagu samaynayo ayaa waxa uu yaalla Xuduudka badda ee Deegaanka La amu ee Bariga Kenya, oo u dhow Xuduud-baddeedka Somalia ee ay dacwadiisa taallo Maxkamadda Calaamiga ee ICJ.

Xuduud-baddeedka ay Shirakadaha Qatar, Talyaaniga iyo Faransiiska ka bilaa bi doonaan sahminta ayaa la sheegay in uu guud ahaan ku fadhiyo masaafo dhan 15,000 oo KM oo isku wareeg ah.

Si kastaba ha ahaatee, Khubarada Bad daha ayaa rumeysan in Heshiiska ay Shirk adda Qatar saamiga ku yeelatay uu Xiisad siyaasadeed ka dhex abuuri karo Dowl adaha Somalia iyo Qatar oo hataan Xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyo, mana kala cadda inuu Heshiiska Qatar saamayn kale ku yeelan doono Geeddi-socodka Dacwad da Xuduudka Badda ee ay Maxkamadda ICJ u fariisan doonto bilowga bisha Septe mber ee soo socota.

HOOBIYEYAAL KUSOO DHACAY XAAFAD KA TIRSAN M/MQDISHO

Jugta tirro Hoobiyeyaal ah ayaa Ma anta barqadii waxaa laga maqlay Xaaf ado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Ban aadir.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaa cada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in Hoobiyeyaasha ay kusoo dha ceen me elo aan ka fogayn Xarunta Mad axtooyada Soomaaliya gaar ahaan Iskuul ka 15-ka May ee Degmada Warta-naba dda ee Gob olka Banaadir.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Hoob iyeyaasha ay ku dhaceen dhismayaal Ma gaalada Muqdisho ay ka deggan yihiin siy aasiyiin.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashii lagu gaaray aga gaarka Madaxtooyadda Soomaaliya iyo sidoo kale halka laga soo tuuray.

TURKIGA OO WACAD KU MARAY INUU KA AARGUTO MAREYKANKA

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu ayaa wacad ku maray in dalkiisa uu ka aargudan doono Marey kan ka haddii uu Ankara cunaqabateyn u saaro soo iibsashadeeda habka difaaca gantaalaha Ruushka ee S-400.

"Haddii Mareykanka uu lasoo baxo mo wqif cadowtooyo ah oo nagu wajahan, wa xaan qaadi doonnaa tallaabooyin aarguda sho, sidaa an horey u sheegnay. Tani ma ah an han jaba ad ama cay aar cayaar” ayuu yiri Mevlut Cavusoglu.

"Ma nihin dal madax u raaricin doona kuwa noo muujiya cadaawad ka dhan ah Turkiga” ayuu yiri wasiirka, oo sheegay in Turkiga aysan marnaba raali ka noqon do onin in loo sheego wixii ay sameyn lahayd.

Wasiir Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in si kastaba uu rajeynayo in maamulkaMareykanka uusan qaadin tallaabo nooc aas ah.

Maamulka Mareykanka ayaa horey u gu hanjabay inuu Turkiga ka saari doono ka qeyb-galka barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35, haddii ay soo iibsadaan barnaamijka S-400.

Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in Tur key ay baahideeda difaac ka buuxin doon to meelpo kale, haddii Washington aysan siin jiilka shanaad ee diyaaradahan casr iga ah ee dagaalka oo ah F-35.

MADAXWEYNE DENI OO MAGACAABAY GOLAHA SARE EE LA-TALINTA MADAXWEY NAHA

Madaxweynaha Puntland Mudane Sic iid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxwey ne Lr51 oo ku taariikhaysan 24, Luulyo 2019 ku maga caabay Golaha Sare ee La-tal inta Madaxwe yna ha.

Madaxweynaha Dowladda Pu ntland

Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Pun tland.

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo Gole Sare oo La-talineed.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waay a-aragnimadooda.

Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Nuuradiin Aadan Diiriye loo magacaabay Guddoomiyaha Golaha.

2. Waxaa Mahdi Maxamuud Cali loo magacaabay Xubin ka mid ah Golaha.

3. Waxaa Yaasmiin Maxamuud Xaamud (Nayn) loo magacaabay Xubin ka mid ah Golaha.

4.Waxaa Drs. Saciido Axmed Cali (Qacle) loo magacaabay Xubin ka mid ah Golaha.

5. Waxaa Eng. Axmed Abshir Faarax loo magacaabay Xubin ka mid ah Golaha.

6.Waxaa Cusmaan Seed Cilmi loo magac aabay Xubin ka mid ah Golaha.

QAXOOTI CUSUB OO SOOMAALI AH OO DIB-U-DEJIN KA HELAY KANADA

Ilaa 30 Qaxooti Soomaali ah oo laga qa aday Xerooyin ku yaalla dalalka Ethiopia iyo Uganda ayaa waxay Dib-u-dejin ka hel een dalka Kanada, gaar ahaan magaalada Brooks ee K/Bari ee Gobalka Alberta ee dalkaasi.

Wargeyska Brooks Bulletin ayaa qoray inay Maamulka magaalada Brooks albaa badda u fureen Qaxootiga, iyadoo bilihii Ju ne iyo July soo dhaweyn u sameeyey ilaa 30 Qaxooti Soomaali dib-u-dejin ka helay Kanada. Dowladda haatan ka dhisan dalkaasi waxay taageereen inay dalkaasi yimaada an Qaxootiga, kuwaasi oo badankooda ah Soomaali horey ugu noolaa Xeryaha Qaxo otiga ee ku yaalla gudaha dalka Ethiopia iyo Uganda.

La-taliyaha dib-u-dejinta ee magaala da Brooks, ahna Madaxa Adeega Socdaal ka ee Gobalkaasi, Bezaye Beyene waxay sheegtay inay Dowladda Kanada sannad kii ugu horreeyey taageertay Qaxootiga, kuwaasi oo ay Dowladda keentay.

Waxay kaloo sheegtay in Qoysaska Qa xootiga ee la keenay ay muddo 10 ilaa 14 maalmood ku nagaan doonaan Hotel, ka hor inta aan la helin Dhismo la dejiyo.

Inta ay Qaxootigaasi ku jiraan Hotelka waxaa laga taageeri doonaa baahidooda Khaaska, gaar ahaan Cuntada iyo Dharka.

Qysaska Qaxootiga Soomaalida ee dib-u-dejinta ka helay magaalada Brooks ee dalka Kanada waxaa kaloo la bari doonaa Dhaqanka, Deegaanka iyo iyadoo qoys ka sta laga diiwaan gelinayo Dugsiyadda, ga ar ahaan Carruurta, iyadoo dadka waa weyn la siinayo Barnaamijyada BarashadaLuqadda English si ay u noqoto Luqadoo da Labaad.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Fede ralka Kanada waxay qorsheynaysaa inay sannadkan dib-u-dejin u sameeyaanilaa 25,000 oo qof oo isugu jira Qaxooti iyo Shaqsiyaad ay dowladda Kanada siinayso Badbaadin (Protected persons).

FAAH FAAHIN:-DAGAAL KA DHACAY DEEGA AN KA TIRSAN SH/ HOOSE

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxa ya dagaal Ciidama da Danab iyo dagaa lam ayaasha Al-shabaab Habeen Hore ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolka Sh/HHoose.Dagaalkan ayaa waxa a uu ka da mbeeyay,kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaade en Saldhig Ciidanka Danab ay ku leeyihiin de ega anka Sabiib,isla markaana waxaa inta asi ka dib xigay dagaal kooban oo ha lkaas ka dhacay.Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ay aa u she egay in dagaalkaas uu ka dhash ay Khas aaro ka la duwan,hayeeshee aysan xaqi ijin karin inta uu la egyahay.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka dowl ada ayaa sheegay inay iska difaaceen we erarkiikaga yimid Al-shabaab,kaasi oo ku soo qaadeen Saldhig Ciidanka Danab ay ku leeyihiin deegaanka Sabiib ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ee Shalay aan ka heleyno deegaanka Sabiib iyo dee gaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabee llaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka Danab iyo Ciidamada dowlad da Soomaaliya halkaas ay ka wadaan ho wlgal ka dhan Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa mararka qaar waxaa ay weeraro kala duwan ku qaadaan Saldh igyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMI SOM ay ku leeyihiin deegaan ka tirsan Go bolada dalka,kuwaasi oo geysta Khasaroy in kala duwan.Xigasho: Radiodalsan.Com

XOG: MADAXWEYNE WAARE OO DAMAC SAN IS-BEDDEL SIYAASADEED OO XASAASI AH

Madaxweynaha dowlad gobaleedka

HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa damacsan in uu isbadal ku sameeyo qaar kamid ah Golahiisa Wasiirada 7yada soo aa dan sida ay noo sheegeen Xubno katir san HirShabelle. Waare, ayaa la sheegay in uu isbadal ku sameynayo Wasiirada, Wasiir ku xigeenada iyo Wasiir-u-dowlaya asha kuwaas oo aan aheyn Xildhibaano waxaase la filayaa in isabadalkaan uusan saameen doonin Wasiirada sidoo kale Xildhibaanada ah.

Qof katirsan Xafiiska Madaxtooyada HirShabelle ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu go’aansaday in uu xilka ka qaa do Wasiiro dhowr ah islamarkaana lagu badalo Xildhibaano katirsan Baarlamaan ka HirShabelle.

Arintaan ayaa lagu sheegay in ay sab abtay culees siyaasadeed oo soo food saa ray Madaxweynaha HirShabelle Waare oo hadda khilaaf kala dhax eeyo Guddoomiya ha Baarlamaanka Hir Shabelle Sheekh Cusmaan Barre.

Madaxweyne Waare, ayaa markii la doortay waxyaabihii uu balan qaaday wax aa kamid ahaa in uu soo dhiso doono Go le Wasiiro oo kooban oo aan kamid aheyn Xubnaha Baarlamaanka HirShabelle balse ma dhicin.

Wasiirada ugu badan ee maamulka Hir Shabelle hadda waxay sidoo kale katirsan Xubnaha Golaha Wakiilada HirShabelle waxayna noqdeen difaaca ugu adag ee Madaxweyne Waare iyadoo hadana la filayo in Wasiirada dhan laga dhigo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamulkaasi.xigasho

Caasimadda online.com

OOMAALIYA

OGEYSIISKA DIGNIINTAEE CALAAMADAGANACSIGA

______________________

MOBIL EV

OGEYSIISKAAYAA HALKAN LAGU SIINAYAin calaamada kor ku xusan ay tahay astaanta ganacsiga ee:

Exxon Mobil Corporation,waa shirkad abaabulan oo ku jirta sharcigaGobolkaNew Jersey (U.S.A.)of5959 Las Colinas Boulevard, Irving, 75039, Texas, United States of America

waxaana loo isticmaalaa xiriirinta:

Saliidooyinka baabuurta korantada.

OGAYSIISKA AYAA SIDOO KALE LA BIXINAYAin talaabo sharci ah laga qaadi doono shaqsi kasta

ama shirkad isticmaasha sumadda ganacsiga ee la sheegay ama wixii ku dayasho mudan ama haddii kale ku xadgudbay xuquuqda shirkadda la sheegay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip