Ciidamada Turkiga oo qabqabtay Kumanaan Muhaajiriin oo ay Soomaali ku jirto.

0
Wednesday July 24, 2019 - 22:40:37 in Wararka by
  • Visits: 300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Turkiga oo qabqabtay Kumanaan Muhaajiriin oo ay Soomaali ku jirto.

    Ugu yaraan 2,212 Muhaajiriin sharci-darro ku joogtay dalka Turkiga ayaa lagu soo qabtay Hawlgalo ay Ciiddanka Ammaanka dalkaasi ka fuliyeen Goballada dalkaasi oo dhan. Hawlgalaasi oo socday muddo Isbuuc ah ayaa la sheegay in tirada ugu badan lagu qa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 2,212 Muhaajiriin sharci-darro ku joogtay dalka Turkiga ayaa lagu soo qabtay Hawlgalo ay Ciiddanka Ammaanka dalkaasi ka fuliyeen Goballada dalkaasi oo dhan. Hawlgalaasi oo socday muddo Isbuuc ah ayaa la sheegay in tirada ugu badan lagu qabtay Goballadda Van iyo Erzurum ee Bariga Turkiga iyo Goballadda Xeebleyda ee xuduudka la leh dalalka Giriiga iyo Bulgaria. Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa waxay Ilo dhanka Ammaanka ka soo xigteen in Hawlgalkaasi ahaa kii ugu weynaa ee lagu soo qabto Kumanaan Muhaajiriin bilaa sharci ah ku joogtay dalkaasi. Wakaalladdu waxay kaloo sheegtay in inta badan Muhaajiriinta la qabtay ay Turkiga ku soo galeen qaab aan sharci ahayn iyo inay qorsheynayeen inay Turkiga ka dhigtaan marin ay uga sii gudbaan dalalka Midowga Europe. Kumanaanka Muhaajiriinta ee maalmihii la soo dhaafay lagu qabtay waxaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Syria, Masar, Libiya, Tunisia, Moroko, Senigal, Afrikada Dhexe, Algeria, Falastiin, Iiraan, Bangaladesh iyo Pakistan. Muhaajiriintaasi waxaa qaarkood daryeel caafimaad loogu gudbiyey Isbitaallada, halka kuwa kalena loo gudbiyey Xafiisyadda Waaxda Socdaalka ku leedahay Goballadda ay hawlgalladu ka dhaceen. Dowladda Turkiga waxay marti-gelisay qiyaastii 3.7 million oo Qaxooti iyo Muhaajiriin, waana dalka ugu badan ee ee qaabilay Qaxootiga marka lo oeego dalalka Caalamka, sida ay xaqiijisay Wakaalladda Muhaajiriinta Caalamka ee IOM.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip