Dowladda Qatar oo saxiixday Heshiis Shidaal looga baarayo xuduud-baddeedka Somalia iyo Kenya isku haystaan.

0
Wednesday July 24, 2019 - 22:38:47 in Wararka by
  • Visits: 300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Qatar oo saxiixday Heshiis Shidaal looga baarayo xuduud-baddeedka Somalia iyo Kenya isku haystaan.

    Shirkadda Shidaalka ee dalka Qatar ee Qatar Petroleum (QP) ayaa la sheegay inay qalinka ku duugtay Heshiis shidaal looga baarayo 3 Xirmo shidaal oo ku yaalla meel ka baxsan Xeebaha Kenya, kuna dhow xuduud-baddeedka Somalia ee ay Kenya sheeganayso. S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Shidaalka ee dalka Qatar ee Qatar Petroleum (QP) ayaa la sheegay inay qalinka ku duugtay Heshiis shidaal looga baarayo 3 Xirmo shidaal oo ku yaalla meel ka baxsan Xeebaha Kenya, kuna dhow xuduud-baddeedka Somalia ee ay Kenya sheeganayso. Shirkadda Shidaalka Qatar ee QP waxay Heshiis saami-wadaag ah la gashay Shirkadda Shidaalka baarta ee dalka Talyaaniga ee ENI iyo Shirkadda Shidaalka ee dalka Faransiiska ee Total, si ay shidaal uga baarayaan Xirmooyinka Shidaalka ee L11A, L11B iyo L12, kuwaasi oo la sheegay inay ku yeellaan meel ka baxsan Xeebaha dalka Kenya

Shirkadda Batroolka Qatar ee QP waxay Heshiiska ay la gashay Shirkadda ENI iyo Total oo ay ku leedahay 25% ee danaha wadaagista, halka ay Shirkadda ENI ku yeelanayso 13.75% iyo Shirkadda Total oo ku yeelanaysa 11.25%.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Tamarta ee dalka Qatar, Sacad Bin Sherida Al-kacbi, ahna Guddoomiyaha iyo Madaxa Guud ee Fulinta ee Shirkadda Batroolka Qatar, waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay saxiixaan Heshiiska ay qeybta kaga noqdeen Sahminta Shidaalka ee meelaha ka baxsan Xeebta Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray inay rajeynayaan in lagu guulaysto Sahmintaasi iyo inaan Shirkadaha Shidaalka ENI IYO TOTAL iyo Dowladda Kenya yeelanayo wada-shaqeyn dheeraad ah iyo inay Dowladda Qatar xoojin doonto Joogitaankeeda Qaaradda Afrika.

Dhinaca kale, Saddexda Xirmo shidaal ee Kenya ee (L11A, L11B and L12) oo ay Shirkadda Shidaalka Qatar ku soo biirtay sahanka lagu samaynayo ayaa waxa uu yaalla Xuduudka badda ee Deegaanka Laamu ee Bariga Kenya, oo u dhow Xuduud-baddeedka Somalia ee ay dacwadiisa taallo Maxkamadda Calaamiga ee ICJ.

Xuduud-baddeedka ay Shirakadaha Qatar, Talyaaniga iyo Faransiiska ka bilaabi doonaan sahminta ayaa la sheegay inuu guud ahaan ku fadhiyo masaafo dhan 15,000 oo KM oo isku wareeg ah.

Si kastaba ha ahaatee, Khubarada Baddaha ayaa rumeysan in Heshiiska ay Shirkadda Qatar saamiga ku yeelatay uu Xiisad siyaasadeed ka dhex abuuri karo Dowladaha Somalia iyo Qatar oo hataan Xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyo, mana kala cadda inuu Heshiiska Qatar saamayn kale ku yeelan doono Geeddi-socodka Dacwadda Xuduudka Badda ee ay Maxkamadda ICJ u fariisan doonto bilowga bisha September ee soo socota.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip