Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Xarunta Gobolka Banaadir

0
Wednesday July 24, 2019 - 22:34:31 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Xarunta Gobolka Banaadir

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka hadlay qaraxii gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir. Xasan Sheekh ayaa waxaa tacsi u diray dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee Maanta ku geeriyooday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka hadlay qaraxii gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir. Xasan Sheekh ayaa waxaa tacsi u diray dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee Maanta ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxaas ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho. Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa Alle uga baryay dadkii halkaas ku dhintay in Janada ka waraabiyo,halka ku dhaawacmay Alle Caafimaad deg deg ah uu siiyo. "Dadka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa in sidaan wax laga baddalo oo loo istaago badbaado Qaran. Dadka siyaasadda isku dhibsadana waxaan leeyahay Al-shabaab uma kala sokeysaan oo mid uu hoobiye ku tuuro iyo mid uu qarax la beegsado ayaan u dhaxeynaa ee Soomaaliyey badbaado ha loo istaago"ayuu yiri Xasan Sheekh. Qaraxii galabta ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir ee Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Mas'uuliyiin Sar Sare oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo uu kamid yahay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip