Dowladda Somalia Oo Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Xarunta G/Banaadir

0
Wednesday July 24, 2019 - 22:19:59 in Wararka by
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somalia Oo Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Xarunta G/Banaadir

    Waxaa hada Saxaafadda kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay hareer taagan yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa hada Saxaafadda kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay hareer taagan yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maalliyadda ee gobolka Banadir. Wasiirku waxa uu sheegay in ay qaraxii galabta ay ku dhinteen 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime,in kastoo uusan sheegin Magacyada Mas'uuliyiintaas. Wasiirka waxa uu sheegay in sidoo kale ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo Guddoomoyiyaha Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin, kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaaleen. Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in Hay'adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan qaraxii galabta ka dhacay, isla markaana ay faah faahin dib kasoo sheegi doonaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip