Guddoomiyeyaal Degmo Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Qaraxii Ka Dhacay Xarunta G/Banaadir

0
Wednesday July 24, 2019 - 18:53:13 in Wararka by
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyeyaal Degmo Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Qaraxii Ka Dhacay Xarunta G/Banaadir

    Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa Xoogan oo galabta ka dhacay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir,kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxaas ayaa waxaa uu ahaa mid Ismiidaamin ah oo la sheegay inay fulisay qof Dumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa Xoogan oo galabta ka dhacay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir,kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxaas ayaa waxaa uu ahaa mid Ismiidaamin ah oo la sheegay inay fulisay qof Dumar ah,isla markaana waxaa uu ka dhex dhacay Xarunta maamulka Gobolka oo uu ka socday Shir looga hadlay amniga Caasimadda. Dadka ku dhintay qaraxaasi ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Waaberi iyo Warta-nabada,waxaana warar qaar ay sheegayaa in ay dhinteen xubno kale,kuwaasi oo ku sugnaa Hoolka ka qaraxa ka dhacay. Sidoo kale dadka halkaasi ku dhaawacmay ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,Afhayeenka Gobolka Salaax Cumar Xasan,Agaasimaha nadaafada Gobolka Banaadir,Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis,Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada degmadaas iyo xubno kale oo ka Talisyada Booliska Degmooyinka maamulka Gobolka Banaadir. Mas'uuliyiinta dhaawacmay ayaa waxaa loo kala qaaday Isbitaalo ku kala yaalla Magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo Xaaladooda Caafimaad,waxaana dhawaaca soo gaaray Guddoomiye Yariisow uu yahay mid Culus oo la dhigay Isbitaalka Digfeer.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip