Dowladda Oo Balan Qaad U Sameeysay 10-Ka Arday Ee Kaalmaha Hore Ka Gashay Imtixaanka

0
Wednesday July 24, 2019 - 10:41:02 in Wararka by
  • Visits: 339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Oo Balan Qaad U Sameeysay 10-Ka Arday Ee Kaalmaha Hore Ka Gashay Imtixaanka

    Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada imtixaanaadkii mideysnaa ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo toos uga hadlayey Telefishinka Qaranka ayaa akhriyey war-saxaafadeed ay ku qoran yihiin tirad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada imtixaanaadkii mideysnaa ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo toos uga hadlayey Telefishinka Qaranka ayaa akhriyey war-saxaafadeed ay ku qoran yihiin tirada gudubtay imtixaanka, tirada dhacday iyo 10-ka qof ee kaalinta koowaad ka gashay sannadkaan. Mudane Cabdullaahi Googax Barre ayaa sheegay in ardayda 10-ka ah ee kaalinta koowaad u gudubtay ay dowladda Soomaaliya siin doonto deeq waxbarasho oo lacag la'aan ah dalka iyo dibedda meesha ay doonaan.

 

Sidoo kale wasaaradda Waxbarashada ayaa sameysay Website ay ardaydu si fudu uga heli karaan imtixaanka gaar ahaan arday walba natiijadiisa, isagoo gelin doona website-ka www.soneb.gov.so.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka wasaaradda.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip