Guddigii Waddada Dhismaha Boosaaso Oo Xabsiga Laga Sii Daayay

0
Tuesday July 23, 2019 - 18:56:55 in Wararka by
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddigii Waddada Dhismaha Boosaaso Oo Xabsiga Laga Sii Daayay

    Maamulka Puntland ayaa xabsiga ka sii daayay xubnaha ka tirsan Guddiga Wadada dhismaha Magaalada Boosaaso,kadib markii la soo taagay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari. Xubnaha la xiray ayaa waxaa ku jiray Guddoomiyaha Guddiga Wadada dhis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland ayaa xabsiga ka sii daayay xubnaha ka tirsan Guddiga Wadada dhismaha Magaalada Boosaaso,kadib markii la soo taagay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari. Xubnaha la xiray ayaa waxaa ku jiray Guddoomiyaha Guddiga Wadada dhismaha Boosaaso,kaasi oo habeeno ka hor lagu xiray Boosaaso,waxaana kasii horeeyay saddex xubnood oo ka tirsan Guddigaas oo Khamiistii la soo dhaafay xabsiga la dhigay. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka Puntland ayaa dalbaday in si deg deg ah lagu sii daayo xubnaha xiran,kuwaasi oo lagu eedeeyay inay qaateen lacag ay usoo dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya. Hayeeshee maanta ayaa waxaa la soo taagay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari,iyadoona Maxkamadda Sheegtay in dadkaas lagu soo xiray sifo sharci darro ah,waxaana xubnaha ka tirsan Guddiga Wadada dhismaha Magaalada Boosaaso ee la xiray kamid ahaa. Sh. Maxamed Macalin Axmed Eng. Maxamud Maxamed Xuseen (Maalfo) Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax Maxamed Faahiye




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip