Donald Trump Oo Codsi U Diray Haweenka Laga Tirada Badan Yahay Ee Kongareeska

0
Tuesday July 23, 2019 - 10:20:10 in Wararka by
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump Oo Codsi U Diray Haweenka Laga Tirada Badan Yahay Ee Kongareeska

    Madaxweynaha dalkaasi waxa uu ku tallaabsaday inuu weerar kale ku qaado Afarta Haweenka midabka leh ee ka tirsan Kongareeska, kuwaasi oo had iyo jeer naqdiya Siyaasadiisa. Qoraal uu Twitter-kiisa soo dhigay waxa uu u baaqay Xildhibaanadaasi inay r

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalkaasi waxa uu ku tallaabsaday inuu weerar kale ku qaado Afarta Haweenka midabka leh ee ka tirsan Kongareeska, kuwaasi oo had iyo jeer naqdiya Siyaasadiisa. Qoraal uu Twitter-kiisa soo dhigay waxa uu u baaqay Xildhibaanadaasi inay raalli-gelin bixiyaan, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay Cunsuri. "Ma rumeysani inay afartaasi Haweenka ka tirsan Kongareeska jecel yihiin Dalkeenna. Waa inay raalli-gelin siiyaan Maraykanka iyo Israel waxyaabaha nacaybka leh ee ay sheegeen. Waxay burburinayaan Xisbiga Dimuqraadiga, laakiin waa tabar daran yihiin iyo dad aan la aamin Karin ma burburin karaan Qarankeenna Weyn"ayuu Trump ku yiri Bartisia Twitter-kiisa. Dhinaca kale, Trump waxa uu isbuucii hore soo dhigay Twitter-kiisa qoraal uu ku sheegay inay Haweenka Xisbiga Dimuqradaiga ee ka tirsan Kongareeska dib ugu laabtaan dalalka ay horey uga yimaadeen, haddii aysan jeclayn Maraykanka, waa sida uu hadalka u dhigay. Afarta Haween ee uu Trump weerarka afka ku hayo waxay kala yihiinIlhan Omar, Rashiida Dalayba, AyaannaPressleyiyoAlexandria Ocasio-Cortez,kuwaasi oo si wadajir ah u naqdiya Siyaasadda Trump iyo Israel. Si kastaba ha ahaatee, Haweenka Xildhibaanadda ka tirsan Kongareeska Maraykanka weli kama aysan jawaab-celin hadalkii Trump ee ahaa inay Raalli-geliyaan siiyaan Maraykanka iyo Israel.

 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip