HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 23-KA LUULYO 2019-KA

0
Tuesday July 23, 2019 - 09:20:55 in Wararka by
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 23-KA LUULYO 2019-KA

    HOGGAAMIYAHA DAACISH-TA SOMALIA OO LA SHEEGAY INUU WELI NOOL YAHAY Aqoonyahanka Islaamiga ee Christo pher Anzalone ee fadhig iisu yahay Maraykanka ayaa sheegay inuu Hog gaamiyaha ugu doon-do onista badan Daacishta Somalia, Sheekh C/qaadir Muumin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HOGGAAMIYAHA DAACISH-TA SOMALIA OO LA SHEEGAY INUU WELI NOOL YAHAY Aqoonyahanka Islaamiga ee Christo pher Anzalone ee fadhig iisu yahay Maraykanka ayaa sheegay inuu Hog gaamiyaha ugu doon-do onista badan Daacishta Somalia, Sheekh C/qaadir Muumin weli nool yahay, inkastoo ay warar hore she egeen inuu ku geeriyoodeen duqeyn ka dhacday Puntland. Sheikh C/qaadir Mumin oo 70-jir ah la guma arkin Fagaarayaasha, tan iyo markii ay Maraykanka sheegeen inay duqeyn ku dileen bishii Maarso ee sannadkan. Muuqaal lagu soo bandhigay Wakaall adda Wararka u faafisa kooxda Daacish ee AMAAQ ayaa waxa ka muuqday Hogg aamiyaha Daacish-ta Somaliya, Sheekh C/qaadir Muumin oo la sheegay inuu weli nool yahay. Muuqaalkaasi oo socday muddo 4 daq iiqo iyo 45 seken waxa kaloo ka muuqday 15 Maleeshiyo wejiga u daboolan yahay, kuwaasi oo qeyb ka ah Maleeshiyadda u daacadda ah Hoggaamiyahaasi. Inkastoo ay warar dhawaanahan soo baxay sheega yeen inuu Hoggaamiyahaasi xanuunsan yahay, haddana waxa uu mar kale ka soo muuqday Muquaalka Cusub, wuxuuna soo cusbooneysiiyey Heshiiska Baayacda (?? ??) ee uu la galay Hoggaamiyaha Guud ee K/ Daacish, Abu Bakar Al-baqdaadi. Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ay aa waxay dhowr jeer duqeyn la beegsade en Maleeshiyadaasi, iyadoo Sarkaalkii ugu darajada sarreeyey ee lagu dilay Duqeym aha Maraykanka ahaa Ku-xigeenkii Hogga amiyaha Daacish-ta Somaliya, oo lagu ma gacaabi jirey C/xakiim Maxamed Ibraahim "C/xakiim Dhoqob". Duqeyn ay Diyaaradaha Maraykanka qaadeen bartamihii bishii April ee sannadk an ayey ku dileen Hoggaamiyahaasi oo gaari ku marayey deegaanka Xiriiro ee Bu uraha Degmadda Qandala oo 75 KM u jirta magaalladda Bosaaso.

SARAAKIISHA CIIDANKA DFS OO SHEEGAY INAY QABTEEN RAG KA TIRSAN AL-SHABAAB

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ga ar ahaan guutada 11a ad ee qaybta 43aad ayaa ho wlgal waxaa ay ka same eyeen de egaano hoosta ga De gmada Jamaame G/ Jubbada Hoose.

Howlgalka Ciidamada ay aa intii uu so cday waxaa ay kusoo qabteen 3 ruux oo la sheegay inay ka tirs an yihiin Al-shab aab,kuwaasi oo xiliga la soo qabanayay saarnaa gaadiid ay leeyihiin shacab.

Taliska Guutada 11aad ee qaybta 43a ad ee Ciidanka Xooggga ayaa tilmaamay in ragga ka soo qabtay ay saarnaayeen mid kamid ah gaadiidka shacabka,isla mar kaana ay wateen qaraxyo iyo miinooyin.

Taliska guutada 11aad ee qaybta 43aad ayaa hawl gall ay ka sameeyeen tu ulooyin hoos tago Jamaame waxayna Cii damada gacanta ku soo dhigeen sadex ka mid Al-shabaab oo gaadiidka shacabka sa arnaa,qaraxyo iyo miinooyin ay wadeen” ayaa lagu yiri War ka soo baxay Taliska Qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab wa xaa ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.

CIIDAMADII AHLU-SUNNA EE DHAWAAN LA QARAMEEYAY OO SHALAY TABABAR LOO FURAY

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa shalay tababar u furay ciidamadii dhawaan laga qarameeyay deegaannada Galmudug ee loo diiwaan geliyay in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka.

Khayre oo ka hadlay munaasabadda furitaanka tababarka ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay tababarka uga faa’iidey staan hannaanka ugu habboon si ay aw ood buuxda ugu yeeshaan in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ka xoreeyaan koo oxaha ka hor taagan horumarka

GalMudug iyo dhammaan mas’uuliyiin tooda ayuu uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen fududaynta qarameynta ciidan ka, waxa uuna ciidanka iyo saraakiisha far ay kadib tababarkooda in ay dalka iyo dad ka Soomaaliyeed si wadajir ah ugu shaq eeyaan ayna ka qayb qaataan soo celinta sharafta iyo karaamada Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka tababarrada ciidamadan waxaa goob joog ka ahaa xu bna ka tirsan golaha wasiirrada, mad axa fulinta GalMudug, wakiillada Qarmada Mid oobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo danji rayaasha Midowga Yurub, Qadar, Turkey, Itoobiya , Talyaaniga, Norway iyo Kenya.

XEER ILAALINTA KENYA OO AMARTAY IN LA SOO XIRO WASIIRKA MAALIYADDA DALKAAS

Agaasimaha xafiiska xeer ilaalinta guud ee Kenya Nuurdiin Xaaji ayaa amar ku bixiyey in la soo xiro masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka maaliyadda dowladda Kenya Henry Rotich iyo masuuliyiin kale oo lagu soo eedeeyay fadeexad musuq iyo mashaariic si khaldan loo maareeyay.

Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dowlad da Kenya ayaa lagu soo eedeeyay in si baalmarsan sharci ga u mareen maar eyn ta mashaariic qaran oo shirkado waaweyn ay ku tartamayeen waxaana la sheegay in mashruuc weyn ku abaalmar iyeen shirkad Talyaani ah oo musalaftay oo aan ku guuleysan tartanka.

Xeer ilaalinta ayaa masuuliyiintan ku soo eedeysay in ay mashaariic aan jirin ku lunsadeen lacag gaareysa $205 milyan oo doolarka Mareykanka.

Shirkad lagu magacaabo CMC Di Rav enna ayaa la siiyay mashruuc lagu dhi sayo laba biyo-xireen wa xaana heshiiska la galay laga dhigay in shi rkaddu ay jeebkeeda ka dhisto biyo xireenada iyada oo lagula heshiiyay in sanado aan la cayimin ay koronto ka iib iso dowladda Kenya ka hor inta aanay ugu dambeyn ku soo wareejinin gacanta dow ladda.

Taa badalkeeda, Khasnadda dowlada waxaa lagu soo dallacay deyn qaali ah oo ku kacaysa $205 milyan oo doolar oo ah eyd lacagtii ay ansixiyeen golaha wasiira da si loogu dhiso biyo-xareenada.

GOBOLKA AMXAARADA ITOOBIYA OO YEE SHAY MADAXWEYNE CUSUB

Golaha wakiillada ismaamulka Amxaa rada ayaa shalayy meelmariyay magacaa bista Madaxweynaha cusub ee dhowaan ismaamulkaa loo soo magacaabay Teme sgen Tiruneh.

Tiruneh, oo ahaa la taliyaha dhanka amniga ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Ito obiya Abiy Axmed ayaa 16-kii bishan loo magacaabay Madaxweynaha cusub ee ismaamulka Amxaarada.

Xisbiga Dimuqraadiga Amxaarada ADP ayaa Madaxweynaha cusub magac aabay kaddib markii madaxweynihii hore ee ismaamulkaas lagu dilay isku day afg ambi oo bishii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Amxaaradu degto.

Toboneeyo qof ayaa lagu dilay isku da ygii afgambi ee galaaftay nolosha madaxw eynihii hore ee gobolka Amxaarada Amba chew Mekonnen.

Kulanka wakiillada ismaamulkaa oo afar maalmood oo xiriir ah socday ayaa si doo kale la filayaa in lagu ansixiyo miisaa niyadda sanadka ee ismaamulka.

 

WASIIRO KA TIRSAN XUKUUMADDA OO KORME ER KU TEGAY TIYAATARKA QARANKA

Wasiir Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soo maaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Ma anta kormeer shaqo ku tagay Gol aha murtida iyo madadaalada Qa ranka oo ay ka socdaan howlo dayactir iyo dib u dhis ah.

Md;Maareeye, oo uu booqash adiisa ku wehl iyay Wasiirka Was aaradda maaliyadda Soomaali ya, Dr; C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Maar eeyaha Xarunta Golaha Murtida iyo Mada-daalada Qaran ka Maxamed Abuukar Ma’da ay aa waxay la kulmeen Injineerrada dhis aya Tiyaatarka iyo Kooxda Is- xilqaan ee howlaha mutadawacnimada halkaasi ka wadday.

Labada Wasiir waxay aad u amaaneen ho wsha gebagebada maraysa ee Tiyaatarka ka socota, waxanay ballan qaadeen in ay diyaa riyaan wixii dhinaca Dowladda ku dhiman.

"Waxaan la kulannay Kooxda is-xil qaan iyo Injineerrada mas’uulka ka ah dhismaha Tiyaat arka, waxannu aniga iyo Wasiirku kala hadal nay heerka uu marayo dhismaha Tiyaartarka iyo waxyaabaha ka dhiman shaqada halkan ka socota, war bixin fiican bay na siiyeen,kormeer baan ku sameynay qaabka uu dhismuhu u socdo, oo runtii raja badan na gelisay, ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiir Maareeye, ayaa sheegay in 80% ay dhamaatay shaqadii halkaasi ka socotay, shar afna ay u tahay Dadka Soomaaliyeed in ay is-xilqaan wax ku qabsan karaan.

Wuxuuna taabba gelinta howshan ku amma anay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo hormuud ka ahaa barnaamijka is-xil qaan.

BOOLISKA SOMALIYA OO KA HADLAY QARIXII KA DHACAY MAGALADA MUQDISHO

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen ayaa faah faahin waxaa ay ka bixisay qaarxii khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah geystay ee Shalay barqadii ka dhacay Magalada M uqdisho.

Waxaa ay sheegtay taliya Zakiya in Ciidamada Ammaanka ay ka hortageen Gaari noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonayay in uu si xoog ah ku maro bar-koontorool ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin agagaarka Km4,isla markaana ay ku dhinteen Askar iyo dad Shacab ah.

Abbaarihii 10:40 subaxnimo ayee Ciidanka amniga ka hortageen baabuur noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonaayay inuu xoog ku maro checkpoint yaala KM4 halkaas oo uu ku qarxay. Waxaa qaraxaas ku dhintay askar iyo dad shacab ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen ayay tiri Taliya Zakiya”.

Taliska Booliska Soomaaliya sirasmi ah uma shaacin khasaaraha dhi masho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxaas,hayeeshee warar mad ax bannaan oo soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayaan in 12 Ruux ay ku geeriyoodeen 15 kalena ay ku dhaawacmeen.

LIISKA ODAYAASHA SOO XULAYA XILDHIBAANADA CUSUB EE JUBBALAND OO LAGU DHAWAAQAY

Guddiga madaxa Bannaan ee xudduudaha iyo Doorashooyinka do wlad Goboleedka Jubbaland ayaa Xalay shaaciyay liiska Odayaasha dhaqanka ee soo Xulaya Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Jub baland.

Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay in Odayaashan ay ka koo ban yihiin 135 Odey,kuwaasi oo dhawaan soo xuli doona Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka DG/Jubbaland. Sidoo kale Odayaasha ayaa waxaa laga soo xulay Beelaha Soomaaliyeed ee dega deegaanadaJubbaland. Hoos ka Akhriso Magacyada Odayaasha.






HAWEENEY XUKUN KU MUTEYSATAY MOBA YLKA SAYGEEDA OO AY FASAX LA’AAN U BAARTAY

Haweeney u dhalatay dalka Imaa aradka ayaa lagu xukumay inay bixiso ganaax dhan 3,000 oo Dirhamka dalka asi, kadib, markii lagu helay inay ku xad-gu dubtay Mobaylka Say geeda.

Haweeneydaasi oo la soo taagay Max kamadda magaalladda Raas Al-khaymah ayaa lagu soo oogay inay fasax la’aan far riimo qoraalka SMS-ka ee ku jiray Mo baylka Saygeeda u xawishay Mobaylo kale, iyadoo shaki ka qabtay inuu Sayge eda arrimo jacayl oo aan sharci ahayn la lahaa haweeney kale.

Qareenkeeda ayaa sheegay inuu Say geeda bilaabay inuu Wicitaano Telefoon iyo Farrimaha SMS-ka si caadi ah uga he lo Haween kale, taasi oo Xaaskiisa ku be er tay Hinaaso iyo inay dabagal ku samee yo haweeneyda soo wacay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Xaaska walbahaar iyo xanaaq daran ka qaaday markii ay aragtay Fariimaha ay saygeeda u soo dirto Haweeneyda aysan aqoonin.

Dhinaca kale, Dacwad-oogaha waxa uu Xeer-beegtida Maxkamadda ka codsad ay in la ciqaabo Haweeneyda ku xad-gud ubtay Xuquuqda Gaarka ee Saygeeda, si da ku cad Qoddobka 378-aad ee Sharciga Ciqaabta Federalka ee Imaaraadka.

Haweeneyda waxaa lagu xukumay inay bixiso lacag ganaax ah oo dhan 3,000 oo Dirham iyo kharaj kale oo dhan 100 Dirham oo ah Kharajka Maxkamadda iyoeedeymo kale.

XILDHIBAAN RUG-CADDAA AH OO SHEEGAY INUU DONALD TRUMP YAHAY CUNSURI

Guddoomiyaha Guddiga Kor-joogtada ee Xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiiladda Maray kanka, Elijah Cumm ings ayaa sheegay inuusan wax shaki ah kaga jirin inuu Madaxweyne Tr ump yahay cunsuri (a racist), waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wa reysi uu siiyey Barnaamijka Bandhigga Aroornimadda Axadda ee Telefishinka ABC News ee ‘ Sunday morning talk show’.

‘Waxaan rumeysanahay inuu yah ay…haa..shaki kuma jiro arrintaasi” ayuu yiri Xildhibaankaasi oo marti ku ahaa Barn aamijkaasi Toddobadalaha ee uu daad ihiyo Weriye George Stephanopo ulos.

Waana arrin naadir ah inuu Xildhibaan Ma raykan ugu yeero Madaxweynaha ‘Cu nsuri’, inkastoo uu qof kasta xaq u leeyah ay inuu cabiro Aragtidiisa Taagan.

Doodda Barnaamijkaasi ayaa lagu fala anqeynayey Xiisadda siyaasadeed ee soc ota iyo qoraalkii uu Madaxweyne Trump soo dhigay Twitter-kiisa bishan July 14-da, taasi oo uu Afarta Xildhibaanadda Hawe enka ka tirsan Kongareeska ugu baaqay inay dib ugu laabtaan dalalkii ay horey uga yimaadeen.

Xildhibaan Elijah Cummings oo 68-jir ah, kana tirsanaa Kongareeska muddo 37 sanno waxa uu sheegay inuu horey shaki uga qabay inuu Trump yahay Cunsuri, bal se ay u rumowday arrintaasi, markii ay Taageerayaasha Trump dibadbax ku qabt een Gobalka North Carolina, iyagoo ku dhawaaqayey "U dir iyada gadaal” oo ay ugala jeedeen Ilhan Omar oo ka tirsan Ko ngareeska Maraykanka.

"Waxaan maqlay isla nooca Jaantii ay ku dhawaaqayeen Dibadbaxaayaasha ee ahayd "Aad hoygaaga, Adiga ma lihid hal kan” ayuu yiri Xildhibaanka oo sheegay inuusan isaga keliya ahayn qofka midabka leh ee khibradda u leh dhaqanada nooc aasi ah.

Waxa uu sii raaciyey: "Maxay samayn kartaa marka uu Trump sameeyo waxan oo kale, wuxuuna Xildhibaanku sheegay in ay taasi keeni karto dareen la mid ah kii uu goobjooga u soo ahaa in ka badan 50-sanno ka hor ee aadka u xanuunka badnaa.

Elijah Cummings oo ah Siyaasi Madow waxa uu mar Madax ka ahaa Kudlada xildhibaanadda Madow ee ka tirsan Ko ngareeska Maraykanka, wuxuuna sann adihii 1960-kii isagoo 12-jir ah ka qeyb gal ay Dibadbax ay dadka Madow ku taageer ayeen in bulshadda si wadajir ah ugu dab aashaan meelaha u furan inay dadweyna ha ku dabaashaan.

Si kastaba ha ahaatee, Trump iyo Ta ageerayaashiisa waxay isku hawleen inay hoos u dhigaan Hal-ku-dhegoodii ahaa "Dib u celiya,Iyada”, wuxuuna Trump u sheegay Suxufiyiinta inuusan ku faraxsan ayn falkii Taageerayaashiisa, balse, shal ay ayey xaajadu noqotay Ka-daroo Dibi dhal, kadib, markii uu Trump twitter-kiisa soo dhigay Codsi uu raalli-gelin kaga dalb anayo afarta haweenka ka tirsan Kongare eska ee uu ku hayo weerarka cunsuriyad da leh

XUKUNKA DEG-DEGA EE SAARAN DALKA MASAR OO LA KORDHIYAY

Madaxweyne C/fataax Al-sisi waxa uu qalinka ku duugay Wareegto uu mud do 3 bilood ku kordhinayo Xukunka Degdegga ee lagu soo rogay dalkaasi 2 sanno ka hor.

Wareegtadda waxaa lagu sheegaay inay Ciiddan ka Milliteriga iyo Boliska qa adi karaan tallaabo kasta oo lagula dagaala mayo Kooxaha loogu ye ero Argagixisada iyo inay badbaadiyaan Nafta iyo Hantida Muwaadiniinta Masar.

Go’aanka Madaxweyne C/fataax Al-sisi waxaa taageeray Xildhibaanadda Barlama anka, waxaana fulinta Xukunka Degdegga xoog lagu dhaqan geli doonaa laga bila abo maalinta Khamiista ee soo socota.

Xukunka Degdegga ee saaran dalkaasi waxaa la so orogay bishii April ee sannad kii 2017-kii, kadib, markii ay in ka badan 100 qof ku geeriyoodeen qaraaxyo lala be egsaday Kaniisado ku yaalla magaallooy inka Aleskandariya iyo Tanta ee dalkaasi.

CIIDANKA XOOGGA DALKA OO HOWLGALLO KA WADA SHABEELLOOYINKA

Howlgaladani oo lagu xaqiijinayaya am niga deegaanno dhawaan laga saaray Al-Shababa ayaa ururka 31-aad ee guutada 12 April ee ciidanka xooga dalka Soomaal iyeed waxaa ay ka sameeyeen deegaan no ku yaalla xadka ay wadaagaan labada Shabeelle.

Waxaa howlgalkaasi hoggaaminayay taliy aha ururka 31-ad ee qeybta 12 April ee cii danka xooga dalka Soomaaliyeed Gaasha anle Sare Maxamed Maxmuud Guutaale (Qataatow,iyo saraakiil kale,waxaana la arkayayay ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka,kuwaasi oo sameynayay baarita ano ku aadan isu socodka dadka iyo gaa diid ka wadooyibnka soo gala deeganaada ay gacanta ku hayaan.

Sarajkiisha ayaa sharaxaad ka bixiyay deegaanada rasmiga ah oo ay Shababa ka saaraan iyo howlgaladii ugu dambeey ey,waxaa ay sheegeen in deegaanada uu gacanta ku hayo ururkaasi 31-aad ee qey bta 12 April laga saaray Al-Shabaab,isla mar markaan shacabku ay si ammaan ah ku marayaan deegaanadaasi. Deegaana da howlgaladaasi ay ka socdaan ayaa ah inta u dhexeysa deegaanada xadka laba da shabeelle,laga soo bilaabyo afgooye ilaa Balcad nawaaxigeeda,Deegaanada Sabyo, Shirkadda Gumad,Dhiiqaaley, dee gaan ley iyo tuulooyin kale ayaa kamid ah goobaha ay howlgaladu ka wadaan ciida mada si amniga loo xaqiijiyo.

Gaashaanle Sare Maxamed Maxmuud Guutaale (Qataatow) ayaa sheegay inay dhawaan fashiliyeen isku dayo ay Sha baab ku doonayeen in qaraxyo ay ku soo geliyaan Muqdisho,isagoo intaasi ku daray in wada shaqeyn buuxda ay ka haystaan bulshada deegaanadasi kunool sida uu ha dalka u dhigay.


WAJIGA 2AAD XAREYNTA CIIDAMADII DOW LADDA LAGU WAREEJIYAY OO KA BILLAAWDAY GALGADUUD

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaasha andhigga Soomaaliya Maxamed Cali (Xa gaa) iyo Taliyaha Qaybta 21aad Janeraal Yuusuf Cabdilqaadir (Kaanti) ayaa waxaa ay gaareen degmada Cabudwaaq ee Wa qooyiga Gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiintaan ayaa halkaasi waxaa ay ka wadaan fulinta wajiga Labaad ee Qorshaha Ciidamada kaas oo ah Xareynta Askartii dhawaan laga diiwaan geliyay Dagmooyinka Gobolka Galgaduud, kuwa as oo lagu wareejiyay DFS Saraakiisha Ciidamada iyo W/Dowlaha W/Gaashaan dhigga Soomaaliya ayaa waxaa ay Cabud waaq ka qaadi doonaan Ciidamadii la dii waan geliyay qeybahooda loo xushay in ay ka Mid noqdaan Xoogga Dalka, waxaa na dhawaan Tababar uu R//wasaaraha XF S Xasan Cali Kheyre uga furi doonaa Dug siga Carbiska ee Harqaboobe oo ka tirsan Dugsiyada Taliska Qaybta 21aad kaa oo ku Yaalla duleedka maagalada Gurceel.

GUDDIYO KA KALA TIRSAN LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA OO KULAN YEESHAY

Kulan wadajir ah ayaa xalay waxaa ay Magaaladda Muqdisho ku yeesheen Gudiyadda joogtadda ah ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana kulan-kaasi si wada jir ah u shir Gudoomiyay Guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.

Sidoo kale madasha waxaa goob joog ka ahaa ku-xigeenada labada Guddoomiye Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey iyo Abshir Bukhaari,waxaana kulanka uu ku saabsanaa xoojinta iyo wada Shaqeynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen sidii loo sameyn lahaa hal xeer hoosaad oo ay ku wada Shaqeeyaan labada Baarlamaan iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo bilihii la soo dhafay uu khilaaf ka dhaxeeyay wallow todobaad ka hor xal laga gaaray khilaafkaas.

 

BOGGA CAYAARAHA

WARBIXIN: 10-KA SHAQSI OO KU LUGTA LEH KUBADDA CAGTA EE AADKA U NECEB CRISTIANO RONALDO!!

Kabtanka xulka qaranka Portugal ahna dhaliyaha kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa iminka waxa ay Wargeysyadu ka shifeen qaar ka mid ah mucaaradkiisa, kuwaas oo iskugu jira ciyaartooy iyo macallimiin iyo madaxda ciyaaraha Caalamka.

Guuleystaha shanta jeer ee abaal-marinta xiddiga adduunka (Ballon d’Or) ee Cristiano Ronaldo ayaa ah nuuc xiddig oo sameyn ku leh kubadda cagta casrigaan, waxaana uu leeyahay taageerayaal aad u badan iyo mucaarad kale oo aan tiro yareyn.

CR7 ayaa waqti qurux badan ku soo qaatay kooxaha waa weyn ee Manchester United iyo Real Madrid waxaana loo arkaa xiddig ay qariib tahay in adduunka markale lagu arko asaaggiisa.

Haddaba warbixintaan waxaan idin kugu soo gudbinaynaa 10-ka shaqsi ee aadka u neceb Cristiano Ronaldo kuwaasoo ku lug leh kubadda cagta.

Waxaana warbixintaan inoo diyaariyay, soona jeedinaya Wariyeheenna Shaafici Maxamuud Nuur (Shaafinho).

INTERNATIONAL - CLUB FRIENDLIES

July 23

13:00 Trabzonspor ? - ? Ajman

13:30 Barcelona ? - ? Chelsea

15:00 Guangzhou R&F F.C. ? - ? Southampton

15:00 Udinese ? - ? Fenerbahce

18:30 Lecce ? - ? St. Georgen

19:30 Salzburg ? - ? Kayserispor

19:45 Sion ? - ? Valencia

20:00 FC Groningen ? - ? FC Eindhoven

20:00 FC Twente ? - ? Schalke 04

20:00 Go Ahead Eagles ? - ? FC Emmen

20:00 NAC Breda ? - ? RKC Waalwijk

20:00 Rennes ? - ? Brest

20:00 Virton ? - ? Sporting Charleroi

20:30 Real Murcia ? - ? Levante

21:30 Cambridge United ? - ? Leicester City

21:30 Chesterfield ? - ? Sheffield United

21:30 Colchester United ? - ? Charlton Athletic

21:30 Salford City ? - ? Middlesbrough

21:45 Bristol Rovers ? - ? Swansea City

21:45 Fleetwood Town ? - ? Burnley

Canc. Mansfield Town ? - ? Nottingham Forest

21:45 Oxford United ? - ? Fulham

21:45 Preston North End ? - ? Accrington Stanley

Canc. Preston North End ? - ? Bolton Wanderers

21:45 Rotherham United ? - ? West Bromwich Albion

International - Club Friendlies

July 22

Montpellier 1 - 2 Bordeaux

Sevilla 2 - 1 Liverpool

Saint-Etienne 1 - 2 Marseille

Ajax 6 - 2 OFI Crete

Canc. Arsenal Tula ? - ? Anzhi Makhachkala

Gazisehir Gaziantep FK 0 - 1 Sepahan

Haladas 0 - 0 Trabzonspor

Fenerbahce 1 - 1 Wolfsburg

Ajax 1 - 2 Panathinaikos

Maritimo 3 - 2 Al-Duhail SC.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip