Sawirro:-Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Oo Kormeer Ku Tegay Tiyaatarka Qaranka

0
Monday July 22, 2019 - 22:33:55 in Wararka by
  • Visits: 328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Oo Kormeer Ku Tegay Tiyaatarka Qaranka

    Wasiir Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Maanta kormeer shaqo ku tagay Golaha murtida iyo madadaalada Qaranka oo ay ka socdaan howlo dayactir iyo dib u dhis ah. Mudane; Maareeye, oo uu booqashadiisa k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Maanta kormeer shaqo ku tagay Golaha murtida iyo madadaalada Qaranka oo ay ka socdaan howlo dayactir iyo dib u dhis ah. Mudane; Maareeye, oo uu booqashadiisa ku wehliyay Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Dr; C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Maareeyaha Xarunta Golaha Murtida iyo Mada-daalada Qaranka Maxamed Abuukar Ma'da ayaa waxay la kulmeen Injineerrada dhisaya Tiyaatarka iyo Kooxda Is- xilqaan ee howlaha mutadawacnimada halkaasi ka wadday. Labada Wasiir waxay aad u amaaneen howsha gebagebada maraysa ee Tiyaatarka ka socota, waxanay ballan qaadeen in ay diyaariyaan wixii dhinaca Dowladda ku dhiman. "Waxaan la kulannay Kooxda is-xil qaan iyo Injineerrada mas'uulka ka ah dhismaha Tiyaatarka, waxannu aniga iyo Wasiirku kala hadalnay heerka uu marayo dhismaha Tiyaartarka iyo waxyaabaha ka dhiman shaqada halkan ka socota, war bixin fiican bay na siiyeen,kormeer baan ku sameynay qaabka uu dhismuhu u socdo, oo runtii raja badan na gelisay, ayuu yiri Wasiir Maareeye. Wasiir Maareeye, ayaa sheegay in 80% ay dhamaatay shaqadii halkaasi ka socotay, sharafna ay u tahay Dadka Soomaaliyeed in ay is-xilqaan wax ku qabsan karaan. Wuxuuna taabba gelinta howshan ku ammaanay Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Dalka oo hormuud ka ahaa barnaamijka is-xilqaan.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip