Xildhibaan Rug-Caddaa Ah Oo Sheegay Inuu Donald Trump Yahay Cunsuri

0
Monday July 22, 2019 - 22:32:27 in Wararka by
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Rug-Caddaa Ah Oo Sheegay Inuu Donald Trump Yahay Cunsuri

    GuddoomiyahaGuddiga Kor-joogtada ee Xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiiladda Maraykanka, Elijah Cummings ayaa sheegay inuusan wax shaki ah kaga jirin inuu Madaxweyne Trump yahay cunsuri (a racist), waa sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu hadalkaasi k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GuddoomiyahaGuddiga Kor-joogtada ee Xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiiladda Maraykanka, Elijah Cummings ayaa sheegay inuusan wax shaki ah kaga jirin inuu Madaxweyne Trump yahay cunsuri (a racist), waa sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Barnaamijka Bandhigga Aroornimadda Axadda ee Telefishinka ABC News ee' Sunday morning talk show'. 'Waxaan rumeysanahay inuu yahay…haa..shaki kuma jiro arrintaasi" ayuu yiri Xildhibaankaasi oo marti ku ahaa Barnaamijkaasi Toddobadalaha ee uu daadihiyo Weriye George Stephanopoulos. Waana arrin naadir ah inuu Xildhibaan Maraykan ugu yeero Madaxweynaha 'Cunsuri', inkastoo uu qof kasta xaq u leeyahay inuu cabiro Aragtidiisa Taagan. Doodda Barnaamijkaasi ayaa lagu falaanqeynayey Xiisadda siyaasadeed ee socota iyo qoraalkii uu Madaxweyne Trump soo dhigay Twitter-kiisa bishan July 14-da, taasi oo uu Afarta Xildhibaanadda Haweenka ka tirsan Kongareeska ugu baaqay inay dib ugu laabtaan dalalkii ay horey uga yimaadeen. Xildhibaan Elijah Cummings oo 68-jir ah, kana tirsanaa Kongareeska muddo 37 sanno waxa uu sheegay inuu horey shaki uga qabay inuu Trump yahay Cunsuri, balse ay u rumowday arrintaasi, markii ay Taageerayaasha Trump dibadbax ku qabteen Gobalka North Carolina, iyagoo ku dhawaaqayey "U dir iyada gadaal" oo ay ugala jeedeen Ilhan Omar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka. "Waxaan maqlay isla nooca Jaantii ay ku dhawaaqayeen Dibadbaxaayaasha ee ahayd "Aad hoygaaga, Adiga ma lihid halkan" ayuu yiri Xildhibaanka oo sheegay inuusan isaga keliya ahayn qofka midabka leh ee khibradda u leh dhaqanada noocaasi ah.

 

 

Waxa uu sii raaciyey: "Maxay samayn kartaamarka uu Trump sameeyo waxan oo kale, wuxuuna Xildhibaanku sheegay inay taasi keeni karto dareen la mid ah kii uu goobjooga u soo ahaa in ka badan 50-sanno ka hor ee aadka u xanuunka badnaa.

Elijah Cummings oo ah Siyaasi Madow waxa uu mar Madax ka ahaa Kudlada xildhibaanadda Madow ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka, wuxuuna sannadihii 1960-kii isagoo 12-jir ah ka qeyb galay Dibadbax ay dadka Madow ku taageerayeen in bulshadda si wadajir ah ugu dabaashaan meelaha u furan inay dadweynaha ku dabaashaan.

Si kastaba ha ahaatee, Trump iyo Taageerayaashiisa waxay isku hawleen inay hoos u dhigaan Hal-ku-dhegoodii ahaa "Dib u celiya,Iyada”, wuxuuna Trump u sheegay Suxufiyiinta inuusan ku faraxsanayn falkii Taageerayaashiisa, balse, shalay ayey xaajadu noqotay Ka-daroo Dibi dhal, kadib, markii uu Trump twitter-kiisa soo dhigay Codsi uu raalli-gelin kaga dalbanayo afarta haweenka ka tirsan Kongareeska ee uu ku hayo weerarka cunsuriyadda leh.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip