33 Qof Oo Ku Geeriyootay Biriq Ku Dhacday Tuullo Ku Taalla Hindiya

0
Monday July 22, 2019 - 22:13:15 in Wararka by
  • Visits: 325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    33 Qof Oo Ku Geeriyootay Biriq Ku Dhacday Tuullo Ku Taalla Hindiya

    Sarkaal ka tirsan Hay'adda Samafalka ee goobaha ay ka dhacaan Masiibooyinka ayaa sheegay inay dadkaasi ku geeriyoodeen roob biriq watay oo ka da'ay Gobalka Uttar Paradesh ee Waqooyiga dalkaasi. Sarkaalkaasi waxa uu tilmaamay inay Biriqda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal ka tirsan Hay'adda Samafalka ee goobaha ay ka dhacaan Masiibooyinka ayaa sheegay inay dadkaasi ku geeriyoodeen roob biriq watay oo ka da'ay Gobalka Uttar Paradesh ee Waqooyiga dalkaasi. Sarkaalkaasi waxa uu tilmaamay inay Biriqdaasi ku geeriyoodeen 33 qof, halka ay 13 kalena ku dhaawacmeen, iyadoo 20-gurina ku burbureen roobka duufaanta watay. Roobab xooggan iyo Biriq ayaana la sheegay inuu Gobalkaasi ka da'ay, xilli ay dadka Beeralayeda ka shaqeynayeen Beerahooda. Sarkaal ka tirsan Boliska Gobalka Uttar Paradesh oo lagu magacaaboPradyuman Singh ayaa sheegay inay 7 qof ku geeriyootay hal Tuullo, xilli ay ka shaqeynayeen Beer lagu abuuray dalagga bariiska. Dadka ku geeriyooday Tuulladaasi waxaa ka mid ahaa Haweeney iyo ilmo yar. Dhinaca kale, Wasiirka Gobalka Uttar Pradesh, Yogi Adityanath waxa uu sheegay in qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Masiibadaasi la siin doono lacag taageero ah oo dhan 400,000 oo Lacagta Rubiga Hindiya oo u dhiganta 6,000 oo Dollar.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip