Guddiga xaaladaha deg dega ah ee dalka Ingiriiska oo ka shiraya Iiraan

0
Monday July 22, 2019 - 19:48:37 in Wararka by
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga xaaladaha deg dega ah ee dalka Ingiriiska oo ka shiraya Iiraan

    Ra'iisul wasaaraha dalka Ingiriiska, Theresa May ayaa lagu wadaa inay maanta guddoomiso kullan ka dhan ah dowladda Iiraan oo ay yeelanayaan guddiga xaaladaha deg deg ah ee dalkaas. Kullanka ayaa diiradda lagu saaraya markab Ingiriiska uu leey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha dalka Ingiriiska, Theresa May ayaa lagu wadaa inay maanta guddoomiso kullan ka dhan ah dowladda Iiraan oo ay yeelanayaan guddiga xaaladaha deg deg ah ee dalkaas. Kullanka ayaa diiradda lagu saaraya markab Ingiriiska uu leeyahay oo ay Iiraan ku qabatay Gacanka Hurmuz,iyada oo ra'iisul wasaare Theresa May ay warbixin ka dhageysan doonto saraakiisha iyo golaha wasiirrada si ay u gorfeeyaan sidii loo xoojin lahaa amniga marin biyoodka ay maraakiibta maraan. Wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska, Jeremy Hunt ayaa lagu wadaa in xildhibaannada uu uga warbixiyo tallaabooyinka dowladda ay ku qaadeyso ee ku aadan markabka ay Iiraan ka qabsatay. Markab ay Iiraan qabsatay ayaa waxaa lagu magacaaba Stena Impero, waxaana ka dul babanayay calanka Ingririiska inkasta oo laga leeyahay Sweden, waxaana saarnaa badmaaxiin u dhashay Hindiya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip