Gobolka Amxaarada Itoobiya oo yeeshay madaxweyne cusub

0
Monday July 22, 2019 - 18:36:56 in Wararka by
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobolka Amxaarada Itoobiya oo yeeshay madaxweyne cusub

    Golaha wakiillada ismaamulka Amxaarada ayaa saakay meelmariyay magacaabista Madaxweynaha cusub ee dhowaan ismaamulkaa loo soo magacaabay Temesgen Tiruneh. Tiruneh, oo ahaa la taliyaha dhanka amniga ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy A

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha wakiillada ismaamulka Amxaarada ayaa saakay meelmariyay magacaabista Madaxweynaha cusub ee dhowaan ismaamulkaa loo soo magacaabay Temesgen Tiruneh. Tiruneh, oo ahaa la taliyaha dhanka amniga ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa 16-kii bishan loo magacaabay Madaxweynaha cusub ee ismaamulka Amxaarada. Xisbiga Dimuqraadiga Amxaarada ADP ayaa Madaxweynaha cusub magacaabay kaddib markii madaxweynihii hore ee ismaamulkaas lagu dilay isku day afgambi oo bishii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Amxaaradu degto. Toboneeyo qof ayaa lagu dilay isku daygii afgambi ee galaaftay nolosha madaxweynihii hore ee gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen. Kulanka wakiillada ismaamulkaa oo afar maalmood oo xiriir ah socday ayaa sidoo kale la filayaa in lagu ansixiyo miisaaniyadda sanadka ee ismaamulka.

Gobolka Amxaarada Itoobiya oo yeeshay madaxweyne cusub




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip