Xeer ilaalinta Kenya oo amartay in la soo xiro wasiirka maaliyadda dalkaas

0
Monday July 22, 2019 - 18:30:56 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer ilaalinta Kenya oo amartay in la soo xiro wasiirka maaliyadda dalkaas

    Agaasimaha xafiiska xeer ilaalinta guud ee Kenya Nuurdiin Xaaji ayaa amar ku bixiyey in la soo xiro masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka maaliyadda dowladda Kenya Henry Rotich iyo masuuliyiin kale oo lagu soo eedeeyay fadeexad musuq iyo mashaariic si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha xafiiska xeer ilaalinta guud ee Kenya Nuurdiin Xaaji ayaa amar ku bixiyey in la soo xiro masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka maaliyadda dowladda Kenya Henry Rotich iyo masuuliyiin kale oo lagu soo eedeeyay fadeexad musuq iyo mashaariic si khaldan loo maareeyay. Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa lagu soo eedeeyay in si baalmarsan sharciga u mareen maareynta mashaariic qaran oo shirkado waaweyn ay ku tartamayeen waxaana la sheegay in mashruuc weyn ku abaalmariyeen shirkad Talyaani ah oo musalaftay oo aan ku guuleysan tartanka. Xeer ilaalinta ayaa masuuliyiintan kusoo eedeysay in ay mashaariic aan jirin ku lunsadeen lacag gaareysa $205 milyan oo doolarka Mareykanka. Shirkad lagu magacaabo CMC Di Ravenna ayaa la siiyay mashruuc lagu dhisayo laba biyo-xireen waxaana heshiiska la galay laga dhigay in shirkaddu ay jeebkeeda ka dhisto biyo xireenada iyada oo lagula heshiiyay in sanado aan la cayimin ay koronto ka iibiso dowladda Kenya ka hor inta aanay ugu dambeyn ku soo wareejinin gacanta dowladda. Taa badalkeeda, Khasnadda dowlada waxaa lagu soo dallacay deyn qaali ah oo ku kacaysa $205 milyan oo doolar oo aheyd lacagtii ay ansixiyeen golaha wasiirada si loogu dhiso biyo-xareenada. Xeer ilaalinta Kenya oo amartay in la soo xiro wasiirka maaliyadda dalkaas


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip