17 qof oo ku geeriyootay qarixii maanta ka dhacay Muqdisho

0
Monday July 22, 2019 - 18:21:27 in Wararka by
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    17 qof oo ku geeriyootay qarixii maanta ka dhacay Muqdisho

    Waxaa isa soo taraya khasaaraha nafeed ee uu sababay qarax saaka baqadii ka dhacay agagaarka bar koontorool oo ku taalla agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho. Ugu yaraan 17 qof ayaa ku geeriyootay qaraxaas iyada oo 3o kalena uu dhaawacyo kasoo gaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa isa soo taraya khasaaraha nafeed ee uu sababay qarax saaka baqadii ka dhacay agagaarka bar koontorool oo ku taalla agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho. Ugu yaraan 17 qof ayaa ku geeriyootay qaraxaas iyada oo 3o kalena uu dhaawacyo kasoo gaaray sida ay ku warrameen saraakiisha caafimaadka. Agaasimaha isbitaalka Madiina Dr. Maxmed Yuusuf ayaa sheegay in hay'adaha gurmadku ay isbitaalka keeneen 17 ruux oo meyd ah. Taliye ku xigeenka ciidamada booliska Soomaaliya janaraal Sakiya Xuseen oo ka hadashay qaraxa ayaa sheegtay in qaraxa loo adeegsaday baabuur nooca Noah ah oo is qarxiyay kaddib markii ay ciidamadu is hor taageen. "Abbaare 10:40 baqadii ayay ciidamada ammaanku is hor taageen baabuur Noah ah oo siday walxo qarxa ka hor inta uusan gaarin halkii lala damacsanaa taasoo keentay in uu qarxo" ayay tiri janaraal Sakiya. Qaraxan ayaa imanaya kaddib laba maalmood kaddib markii ay soo baxeen warbixinno dhanka ammaanka khuseeya oo ka digaya in qarax loo adeegsado baabuur ay suuragal tahay in uu ka dhaco Muqdisho. Weerarkan ayay masuuliyaddisa sheegatay kooxda al-Shabaab. 17 qof oo ku geeriyootay qarixii maanta ka dhacay Muqdisho


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip