Ciidamadii Ahlu-sunna ee dhawaan la qarameeyay oo maanta tababar loo furay

0
Monday July 22, 2019 - 18:17:44 in Wararka by
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadii Ahlu-sunna ee dhawaan la qarameeyay oo maanta tababar loo furay

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta tababar u furay ciidamadii dhawaan laga qarameeyay deegaannada Galmudug ee loo diiwaan geliyay in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka. Khayre oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta tababar u furay ciidamadii dhawaan laga qarameeyay deegaannada Galmudug ee loo diiwaan geliyay in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka. Khayre oo ka hadlay munaasabadda furitaanka tababarka ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay tababarka uga faa'iideystaan hannaanka ugu habboon si ay awood buuxda ugu yeeshaan in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ka xoreeyaan koooxaha ka hor taagan horumarka GalMudug iyo dhammaan mas'uuliyiintooda ayuu uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen fududaynta qarameynta ciidanka, waxa uuna ciidanka iyo saraakiisha faray kadib tababarkooda in ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed si wadajir ah ugu shaqeeyaan ayna ka qayb qaataan soo celinta sharafta iyo karaamada Soomaaliya. Munaasabadda furitaanka tababarrada ciidamadan waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tirsan golaha wasiirrada, madaxa fulinta GalMudug, wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo danjirayaasha Midowga Yurub, Qadar, Turkey, Itoobiya , Talyaaniga, Norway iyo Kenya. Ciidamadii Ahlu-sunna ee dhawaan la qarameeyay oo maanta tababar loo furay


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip