Faah Faahin:-Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
Monday July 22, 2019 - 11:23:32 in Wararka by
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:-Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

    Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax Xoogan oo daqiiqado kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho,kaasi oo Jugtiisa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxaas ayaa waxaa ahaa mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax Xoogan oo daqiiqado kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho,kaasi oo Jugtiisa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxaas ayaa waxaa ahaa mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,isla markaana waxaa uu ku qarxay Albaabka hore ee Afrik oo ku taalla Wadada gasha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho. Sidoo kale Hotelka Afrik ayaa waxaa uu ku dhow yahay Koontaroolka laga ilaaliyo Garoonka Aadan Cadde,iyadoona amniga halkaas siweyn loo sugyo,waxaana goobta ku yaalla hotelo ay degan yihiin dad badan. Waxaa ka socda Gurmad oo loo sameeynayo dadkii halkaasi ku waxyeeloobay,waxaan uu dab xoogan qabsaday Kaalin shidaal oo ku taalla meel ku dhow Aargada Isgoyska KM4. Warar qaar ayaa sheegayaan in xiliga uu qaraxa dhacayay wadada ay aheyd mid aad u Mashquul ah oo dadka iyo gaadiidka noocaydiisa kala duwan ay is dhaafayeen. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halkaas,isla markaana waxaa ay ay xireen Aaga uu qaraxa ka dhacay,waxaana hakad ku jira isku socodka gaadiidka iyo dadka. Weli lama Oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip