Wufuud Heer Caalami ah oo Maanta ku wajahan Dhuusamareeb

0
Monday July 22, 2019 - 10:06:40 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wufuud Heer Caalami ah oo Maanta ku wajahan Dhuusamareeb

    Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug ayaa Maanta waxa la filayaa in ay gaaraan wufuud Heer Caalami ah oo ka kala socda Wadamada Caalamka iyo Ururo,kuwaas oo taageera siiya Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wararka la helayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug ayaa Maanta waxa la filayaa in ay gaaraan wufuud Heer Caalami ah oo ka kala socda Wadamada Caalamka iyo Ururo,kuwaas oo taageera siiya Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubnaha Heerka Caalami iyo Ururada ee Maanta tagaya Dhuusamareeb ay ka kala socdaan, Ururo caalami ah, sida , Mareykanka, UK, Sweden, Norway, Turkiga, Qatar, Holland, Jabuuti, Ethiopia, Germany, Italia, Qaramada Midoobay, IGAD, Midowga Afrika iyo Hey,addo kale oo Caalami ah. Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa haatan laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdigaas oo si kala gooni gooni ah u tegi doona Dhuusamareeb,waxaana ay wufuudaas la filayaa markii ay tagaan halkaasi inay la kulmaan Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo weli halkaasi ku sugan. Ammaanka Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa aad loo adkeeyay,waxaana dhawaan sidoo kale ay martigelin doontaa shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Galmudug kaas oo uu dhawaan iclaamiyay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip