Digniin loo diray Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka

0
Monday July 22, 2019 - 10:04:23 in Wararka by
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digniin loo diray Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka

    Maamulka degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa digniin culus waxaa uu u diray qaar ka mid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka eek u sugan degmadaas hadii ay aqbalaan amar dhawaan kasoo baxay Ururka Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa digniin culus waxaa uu u diray qaar ka mid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka eek u sugan degmadaas hadii ay aqbalaan amar dhawaan kasoo baxay Ururka Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa dhawaan ku amray Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka & kuwa Maamul goboleedyada in mudo 45 Cisho gudahood ah ay ku tagaan deegaanada ay maamulaan,isla markaana ay kasoo laabtaan qalad ay ku dhaceen si loo cafiyo waa sida ay hadalka u dhigeene. Guddoomiye kuxigeenka degmada Garbahaareey Aadan Siraad Maxamuud ayaa sheegay inaysan wax axsaan ah u fali doonin dadka qaata awaamiirta Al-Shabaab ama u hoggaansama, ha ahaadaan kuwa Dhaqaalo u geeya ama hub ku taageera. Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in cid alaala cidii aada deegaanada Al-Shabaab ee la macaamiisha in aan laga aqbali doonin,isla markaana tallaabo Sharci ah laga qaadi doono. Taliyaha Amniga degmada Garbahaareey Cabdi Xakiin Maxamed Cumar ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in Al-Shabaab xilligaan uu kala dhaxeeyo dagaal xoogan,isla markaana odaygii ama shaqsi kasta ee la macaamila ay la mid yihiin Al-Shabaab maxkamadna ay la tiigsan doonaan. Si kastaba Ergadiio soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa soo wajahay caqabado kala duwan iyo hanjabaado uga imaanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo waliba Ururka Al-Shabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip