Kenyan Lagu Amray In Albaabadooda Ay Xirtaan & Sababta Oo La Shaaciyay

0
Sunday July 21, 2019 - 23:19:15 in Wararka by
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenyan Lagu Amray In Albaabadooda Ay Xirtaan & Sababta Oo La Shaaciyay

    Wargeyska The Nation ayaa qoray in Dadka deggan Deegaanka Ishakani ee Degmadda Laamu oo ku taalla Xuduudka Kenya iyo Somalia shalay lagu khasbay inay guryahooda ku dhex nagaadaan muddo saacado ah, kadib, markii ay Hay'addaha Ammaanka ka digeen i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska The Nation ayaa qoray in Dadka deggan Deegaanka Ishakani ee Degmadda Laamu oo ku taalla Xuduudka Kenya iyo Somalia shalay lagu khasbay inay guryahooda ku dhex nagaadaan muddo saacado ah, kadib, markii ay Hay'addaha Ammaanka ka digeen inay Alshabaab qorsheynayaan weerar ay ku soo qaadaan Deegaankaasi. Dadka Deegaanka oo la hadlay Wargeyska The Nation ayaa sheegay inay Saraakiisha Ammaanka u sheegeen inay xadidaan Dhaqdhaqooda ee gudaha Deegaanka, si ay Ciiddanka Ammaanka kaga hor tegayaan weeraro laga cabsi qabo inay Alshabaab maalmaha soo socda weerar ku soo qaadaan Deegaanadaasi, waa sida hadalka loo dhigay. Axmed Islaam oo ka mid ah dadka deegan Deegaanka Ishakani oo la hadlay Wargeyska The Nation ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaaqa rasaas iyo qaraxyo ka imaanayey jihadda ku toosan Deegaanka Raas Kambooni, waa sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaasi ku daray in ay Saraakiisha Ammaanka ee ka socday Ciiddanka Kenya u sheegeen dadka inay ku nagaadaan gudaha guryahooda, inta aanu Ammaanka wanaagsanayn. Dhinaca kale, Ilo dhanka Ammaanka oo aan fasax u haysanin inuula hadlo Saxaafadda ayaa u sheegay Wargeyska The Nation inuu Hawlgal ka socda Deegaanka, isla markaana uu weerar dhacay, balse, ay Ciiddanka haatan gacanta ku hayaan Xaalladda deegaanka. Balse, waa u gaabsaday inuu bixiyo faahfaahino kale oo la xiriira hawlgalkii shalay ka dhacay inta u dhexeysa Deegaanka Laamu ee Kenya iyo Raas Kambooni ee Somalia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip