Weerar Lagu Qaaday Shaqaale Dhismo Ka Waday Degmadda Mandera

0
Sunday July 21, 2019 - 23:18:00 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Lagu Qaaday Shaqaale Dhismo Ka Waday Degmadda Mandera

    Wargeyska The Nation ayaa qoray inay koox hubeysan maanta weerareen shaqaale dhismo Isbitaal laga hirgelinayo Deegaanka Borehole 11 oo 20-KM u jirta Degaanka Al-raxmu oo u dhow xuduudka Kenya la wadaagto Somalia. Wargeyska waxa uu xusay inay Shaqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska The Nation ayaa qoray inay koox hubeysan maanta weerareen shaqaale dhismo Isbitaal laga hirgelinayo Deegaanka Borehole 11 oo 20-KM u jirta Degaanka Al-raxmu oo u dhow xuduudka Kenya la wadaagto Somalia. Wargeyska waxa uu xusay inay Shaqaalaha ka badbaadeen weerarkaasi oo la sheegay inay geysteen 4 qof oo hubeysnaa, kuwaasi oo gudaha u soo galay Dhismaha ay shaqada ka socotay Qofka ka mid ah dadka Deegaanka oo la hadlay Wargeyska Nation ayaa sheegay in rag ku hubeysnaa qoryaha AK 47, wejigana u daboolnaa ay bilaabeen inay tacshiirad furaan, taasi oo sababtay inay Shaqaalaha naftooda la baxsadaan, si ay uga badbaadaan toogashadaasi. Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Gobalka Mandera, Jeremiyah Kosiyom ayaa sheegay inuu maqlay inuu weerarkaasi dhacay 8-dii Aroornimo, balse uusan faahfaahin dheeraad ah haynin.Goobjoogahaasi oo magaciisa la qariyey ayaa sheegay inay kooxdii weerarka geystay ay doonayeen Injineerka Dhismaha, kaasi oo la sheegay inuu ku dhex dhuuntay shaqaalihii baxsaday. Waxa uu intaasi ku daray inay dadka weerarka soo qaaday beegsanayeen shaqaalaha aan Soomaalida ahayn ee ka shaqeynaysay dhismahaasi, waa sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha boliska Mandera waxa uu intaasi ku daray inaysan kala caddayn in ragga weerarka geystay ahaayeen Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab iyo inay ahaayeen Maleeshiyo uu soo kireystay Qof Deegaanka oo dano ganacsi ka leh Qandaraaska dhismaha Isbitaalka cusub, waa sida uu hadalka u dhigay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip