Dad Ku Geeriyooday Is-Qarxin Ka Dhacday Isbitaal Ku Yaalla Pakistan

0
Sunday July 21, 2019 - 23:15:57 in Wararka by
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Ku Geeriyooday Is-Qarxin Ka Dhacday Isbitaal Ku Yaalla Pakistan

    Boliska dalkaasi ayaa sheegay in Haweeney isku soo xirtay waxyaabaha qarxa ay maanta isku qarxisay Isbitaal Guud ee Degmadda Dera Ismail Khaan oo ku taalla W/Galbeed ee dalkaasi. Ilaa 9 qof ayaa ku geeriyootay, halka 30-kaelna ku dhaawacmeen, wux

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boliska dalkaasi ayaa sheegay in Haweeney isku soo xirtay waxyaabaha qarxa ay maanta isku qarxisay Isbitaal Guud ee Degmadda Dera Ismail Khaan oo ku taalla W/Galbeed ee dalkaasi. Ilaa 9 qof ayaa ku geeriyootay, halka 30-kaelna ku dhaawacmeen, wuxuuna qaraxu burbur u geystay Qolka Gurmadka Degdegga ee Isbitaalka,taasi oo sababtay in albaabadda loo laabo. Haweeneydaasi ayaa la sheegay inay is-qarxisay, xilli Isbitaalka la keenay Askar ku dhawaacantay Toogasho saakayto ka dhacday Bar Kontorool oo ku taalla Galbeedka Degmaddaasi. Khabiir ku takhasusay baaritaanka maydadka o olagu magacaabo Inayat Ullah ayaa sheegay in Haweeneyda isku soo rakibtay qarax culayskiisu ahaa 7 Kiilo, kaasi oo laga soo buuxiyey masaamiir iyo kushaneetooyin la jarjaray. Dhacdo kale, Taliyaha Boliska Degmadda Dera Ismail Khaan, Saliim Riyaz waxa uu sheegay in 2 Askari lagu dilay weerar Waaberigii hore ee saakayto ka dhacay Bar Kontorool, iyadoo ay dablaydii baxsadeen. Dhinaca kale, hadal-qoraal oo ay Maleeshiyadda Daalibaanta ka dagaalanta gudaha dalka Pakistan ee lagu magacaabo Texriik- e-Daaliban waxay ku sheegteen mas'uuliyadda qaraxa iyo weerarka ka dhacay Degmadda Dera Ismail Khan. Kooxda waxay beeniyeen inay Haweenedy isku qarxisay Isbitaalka, iyagoo sheegay inuu Is-qarxiyuhu ahaa Nin ay magaciisa ku sheegeen Abu Cubayda Qasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip