Sarkaal La Sheegay Inuu Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Oo Lagu Dilay Muqdisho

0
Sunday July 21, 2019 - 23:08:39 in Wararka by
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal La Sheegay Inuu Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Oo Lagu Dilay Muqdisho

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo xalay agagaarka Isgoyska Ex-Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho ku dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Dilkaas ayaa waxaa Sarkaalka ka tirsanaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo xalay agagaarka Isgoyska Ex-Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho ku dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Dilkaas ayaa waxaa Sarkaalka ka tirsanaa Ciidamada dowladda u geystay rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado,waxaana falkaas uu dhacay xili uu ku sugnaa Isgoyska Ex-Control Afgooye,isagoona u geeriyooday rasaas lagu dhuftay sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Kooxihii ka dambeeyay falka ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,waxaan durbo halkaas gaaray Ciidamo Boolis ah oo goobta ka qaaday Meydka Marxuumka la dilay. Al-shabaab ayaa sheegtay Mas'uuliyada falkii dilka ahaa ee loo geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya,kaasi oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Ex-Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip