Ra'iisul wasaare Kheyre iyo guddiga dib u heshiisiinta GalMudug oo Dhuusamarreeb ku kulmay

0
Sunday July 21, 2019 - 12:44:36 in Wararka by
  • Visits: 336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaare Kheyre iyo guddiga dib u heshiisiinta GalMudug oo Dhuusamarreeb ku kulmay

    Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul gobaleedka GalMudug kula kulmay guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta GalMudug oo ay dhawaan magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul gobaleedka GalMudug kula kulmay guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta GalMudug oo ay dhawaan magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Wasiirro iyo madax ka kala tirsan dowladdda federaalka iyo madaxda fulinta GalMudug ayaa goobjoog ka ahaa kulanka oo looga hadlay dardar gelinta howlaha dib u heshiisiinta iyo ka mira dhalinta dadaallada la isugu keenayo dhammaan reer GalMudug si ay uga tashadaan aayaha iyo dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay.

Mudane Khayre ayaa guddiga xasuusiyay shaqada adag ee loo igmaday in ay qabtaan, waxa uuna faray in sida ugu habboon, ugu dhaqsaha badan ugu daacadsan ay uga shaqeeyaan isu-keenidda bulshada, si gogosha Dhuusamareeb taalla ay uga soo baxdo natiijo farxad gelisa reer GalMudug iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ayna GalMudug uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Muddo bil ku dhow ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafiga uu hoggaaminayo ayaa GalMudug u jooga xallinta khilaafka GalMudug iyo sidii doorasho ugu dhici laheyd halkaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip